Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 24 November 2024

Istaaqfurka Iyo Qiyaam Leylka .. Ma Jirto Maalmo ILaahay SW Ka Jeclyahay Toban Cisho Ee Ugu Horeysa Bisha Dul-Haja Cibaadada Loo Sameeyo

Wednesday - June 21, 2023




ILaahay Raxmadiisa iyo Galladiisa waxa ka mid ah inuu inoo yeelay xilliyo fadli badan oo Camalada la sameeyaa ay ka fadli badan-yihiin Camalada xilliyada kale la sameeyo .. Waxaa ka mid ah xilliyadaas Tobanka Maalmood ee ugu horreeya bisha Dul-Xijjah oo ah Tobanka cisho ee adduunyada ugu fadliga badan.

Waxa fadli ugu filan Tobankaa Maalmood ee bisha Dul-Xijjah ugu horreeya inuu ilaahay SW ku dhaartay .. ilaahayna waxa uu ku dhaartay ee khalqigiisa ka mid ahi waa wax weyn .. Ilaahay quraankiisa wuxuu ku yiri: " Wal-Fajar Wa Layal Cashar" oo micneheedu yahay "Waagaan ku dhaartay Iyo Habeeno Toban ah" .. Waxa lagu fasiray Tobanka Habeen ee aayadaasi ku jira in looga jeedo Tobanka Maalmood bisha Dul-Xijjah ugu horreeya.

Rasuulku SCW wuxuu yiri: Maalmaha Adduunyada waxa ugu fadli badan maalmaha Tobanka ah.Waa Tobanka maalmood ee bisha Dil-Xijjah u horreeya.

Maalmahaa fadliga badan aynu ka faa'idaysanno oo Camalada wanaagsan aynu farabadino ma ogin inay mar dambe ina soo mari-doonaan oo goor aynu dhiman kama war qabno markaa waxa inala gudboon inaynaan dayicin maalmahaas fadliga badan.