Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 11 January 2025

Aduunkaan Aan Dul-saaranahay Maxaa Nin Wax Is Mooday Haleysay .. Kooxdi Aaran-Jaan Oo Magaci Iyo Midnimadi Puntland Dacfaruuray .. Deni Wax Dhan Buu Dagaalamay Intu Diiday Dacreynta Maamulkiisa

Tuesday - June 20, 2023


Halow Garowe- Wararka soo gaaraya shabakadaan Galdogob Times ayaa carrabka ku adkeynaya in iminka xaaladi dagaal ee ka jirtay Garowe ay ku soo idlatay kala joog iyo qoloba halki ay ka soo ruqaansatay ay dib ugu laabato .. Waxaa la yiri Xaaraan iyo xalaal tay doonto ha noqote dagaalkaas waxay ku timi talo xumo, kibir iyo isla weyni hoosta ka qalalan iyo waali soo korortay.

Dagaalka maanta ayaa geystay  khasaare baaxad leh illa hadda dhimashada la xaqiijiyey waa 25 Qof oo Askar u badan, halka dhaawacna intaas ay ka sii badan-tahay .. xogaha la helaayo ayaa sheegaya in ciidamo badan dawladu soo galisay magaalada Garowe, isla markaana 15 Baabuurta dagaalka ayaa ka timi dhinaca gobolka Bari kuwaaso qaarkood ay soo gaareen Garowe .. dhinaca kale dadaal ay garwadeen ka yihiin Isimida gobalka Nugaal ayaa fashilmay.
Waxaa la yiri Cagtii joogsan-weyda mar bey ceeb la kulantaa, oo maanta ayey murtidaan ku foorarta Faroole iyo kooxdiisa Aaran-Jaan

Bulshada Reer Puntland ma ay fileyn kooxda Mucaaradka iyo Saciid Dani iney u xintamaan sidi Laba gabdhood oo Ari jira, balse waxay filayeen iney ula imaan-doonaan Ummadda wax u cuntama oo ku dhisan wada-hadal iyo is qancin ..  waxaa la yiri Saddex marka la arko waa dunidda oo la rogaayo, waxayna Saddx-daasi yihiin " waa Sacabkoo Tima yeesha, Saabuun xoor laga waayey iyo waa dameer San madaw" oo maanta dameero San madaw baa dalkii Puntland kharibay. 

Xikmad kale oo Somaliyeed baad iyana tiraahda " Inkastoo la hagaajoo, hu magaalo la saaro, ragga kiisa hagaagsan iyo halyey loogu dhawaaqo, Hoori waa iska Hoori, waa halkaad ku ogaydoo, abidkii isma doorsho" Sidda ay sheegayso murtidani kooxahaani dalka meelna uma wadaan ee ha laga tashado