Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 24 November 2024

Hadba Ummad Bacdi Ummad Ayaa Lays Badalaayey Ee Ku Taxnow Akhbaarti Faca Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Qisadi Boqoradi " Balqiisa" Ee Dalka Yaman Ka Talin Jirtay Iyo Sidey U Badbaadisay Qoomkeedi

Monday - June 19, 2023


"Suuradu Waxay Mataleysa Boqoradi Balqiis Iyo Ninki Baratakoolka Maamuska U Hayey"

Nebi Suleymaan CS waxa uu ahaa Boqor ILaahay siiyay awood iyo Mulki ballaaran oo aan hore iyo gadaalba loo siin Cid kale oo isaga ka horeeyay ama ka dambeeyay, waxaana loo sakhiray oo u shaqaynayay inta badan wax kasta oo uu ILaahay Arlada ku abuuray .. Waxaa kalo u shaqaynayay Makhluuqaad badan oo ay Jiniga iyo Shimbiraha ku jiraan waxaa kale oo gaadiid looga dhigay dabaysha oo uu u raaci jiray halkii uu doono.

Maalin uu u dhaba galay arimaha Shimbiraha ayuu ka dhex waayay Shimbirka "Hud-hud" markaasuu yiri "oo sidee wax u jiraan Hud-hud iima muuqdee,wallee wuu eedi amar la'aanta uu iska tagay hadaanu wax micno leh oo uu ku maqnaa ii keenin" .. Shimbrki Hud-hud waa soo laabtay isaga oo warbixin basaasnimo ka sida boqortooyadii Balqiisa oo uusan nebi suleymaan CS kaba war heyn.

Shimbirki Hud-hud wuxuu Nebi Suleymaan u sheegay inuu soo arkay Haweeney Boqorod ah oo wax kasta haysata oo xitaa leh Sariir weyn oo ay ku seexato oo uu aad ula soo yaabay boqortooyada ay iyada iyo dadkeedu ku raaxaysanayaan,Wuxuuse Hud-hud ku dhaliilay boqoradaas iyo dadkeeda inay ahaayeen kuwo Qorraxda caabudda oo u sujuuda Ilaahay cid aan ahayn camal-kaasoo uu Sheydaan u qurxiyay.

Nebi Suleymaan cCS si uu u hubiyo warka Hud-hud keenay wuxuu u dhiibay warqad oo ku yiri u gee oo ka dibna ka soo laabo bal aan aragno waxa ay ku soo jawaabaane .. Hud-hud warqadii markii uu u tuuray Balqiis oo ay akhrisay ayay soo shirisay madaxda dadkii ay u talinaysay oo waxay u sheegtay in ay heshay warqad si qurux badan loo soo xardhay oo ka socota Boqor Suleymaan la dhaho oo awood fara badan leh warqadaasoo uu kagana codsanayo in ay u yimaadaan oo ay ku soo biiraan boqortooyadiisa.

Balqiis waxay ahayd haweeneey caadilad ah oo daggan oo aan dagdagin una talo badsata arimaha muhiimka ah sida kuwan oo kale mana ayan ahayd boqorod kaligeed taliso ah oo talada mintooxsata oo kalegeed qaadata go'aanada muhiimka ah .. Waxayna dadkeeda ka cod satay bal in ay kala taliyaan arintan waxa ay ka yeelayso.

Markiiba dadkeedii oo ku kalsoon il-baxnimada iyo awoodda ay haystaan waxay isku raaceen in ay u sheegaan in ay yihiin quwad xoog badan oo aan la hadadi karin isla markaana ay diyaar u yihiin in ay is difaacaan kaliya ay iyada amarka dagaal galinta ka sugayaan.

Balqiis oo ahayd boqorod fiiro dheer markiiba kuma ayan dag dagin dagaal galinta qoomkeeda oo waxaa umuuqday in wuxu yahay dagaal aan laysku halayn karin guusha ..Waxay kaloo ka shakisneyd awoodda Nabi Suleymaan oo ay markiiba milicsatay inuu yahay mid tiknoolajiyada kaga sareeya maadaama uu yahay mid ay u shaqaynayaan Shimbiro uu ka mid yahay midkan meesha fog waraaqda oga keenay.

Waxayna tolkeed ku tiri sideedaba maaha inaan dagaal ku deg degno waayo haddii nalaga guulaysto oo ay dhacdo in ay ciidamada naga soo horjeeda na qabsadaan way ina adoonsanayaan oo dadkeena ilbaxnimada iyo sharafta leh waxay inaga dhigayaan gun la gumaysto .. Ee bal inta ayan arintu heerkaas gaarin waxaan udirayaa hadiyado aan kaga kasbanayno wanaag iyo nabad.

Nebi Suleymaan CS oo doonayay badbaadinta boqortooyadan ilbaxa ah laakiin xaga hanuunka Rebbeiyo inuu ku ballaariyo awoodiisa dhulka ay xukumaan waa uu ka diiday inuu ka yeelo arinka ay Balqiisa u soo bandhigtay wuxuuna ergadii ku yiri u sheega madaxdiina inaanan dan ka lahayn Hadiyadiina oo aan idinka hormarsanahay oo waxa uu Eebe na siiyay ay ka sareeyaan intan yar ee aad ku faraxsan tihiin .. ee ogaada Hadaydaan ii imaan inaan idiin soo diri doono ciidan aydan iska celin karin oo ii kiin keeni doona idinka oo kuwo dullaysan ah hadaydaan hadda si sharaf leh iigu imaan madaxdiina.

Balqiis oo ahayd haweeney indheer garad ah waxa ay markiiba ku qanacday in ciidanka awoodaas leh ee ay xitaa soo arkeen ergadii ay dirsatay aysan awoodin in ay iska caabiso sidaa darteed waxay door biday in ay fuliso amarka Suleymaan oo ay aaddo iyada iyo wafdi ay hogaaminayso, Waxayna kursigeeda iyo mulkigeeda oo dhamaada ka door biday badbaadinta dadkeeda iyo in aysan sawab ugu noqon galinta dagaal ay ku riiqmaan oo salfada naftooda iyo maalkooda.

Nebi Suleymaan CS wuxuu u diyaarshay boqoradda soo socota dhoolo tus iyo inuu u muujiyo in uu ilbaxnimadooda si kasta oga sareeyo oo haddii ay raacaan ay qayb ka noqon doonaan barwaaqadan iyo baraaraha ballaaran ee ay dadkiisu haystaan .. Waxaa la sheegaa in wadada ay ku imanayso iyo meelaha ay soo marayso marka ay soo gasho xayn daabka xuduuda uu xukumo inuu ugu diyaarshay jowharado iyo farshaxan ka kooban waxyaabo ay ku indho daraandarto oo ku dhiiri galiya in ay ku soo biirto boqortooyadiisa si kasta oga saraysa teeda .. Wuxuu kaloo sameeyay arin uu kaga yaabsaday oo ah in uu diray tiknoolajiyo rabi ugu deeqay oo u keenta sariirteeda inta aysan soo gaarin halka uu nebi sulaymaan cs ku sugayo iyada.

Kolkii ay usoo dhoweyd ee ay cagta soo saartay rooggii loo fidiyay ee soo dhoweynta ayuu nebi sulaymaan ka codsaday dadkii ag taagnaa in ay inkiraan oo aysan oga waramin arimaha sariirteedan laga soo hor mariyay .. Markay soo gaartay madashii marti soorka ayaa lagu yiri "tani sariirtaadii sow uma eka" waxay tiri "waaba iyada lafteedii malaha laakiin hore ayaanba u helnay yaqiin intii aan soo soconay oo hadda waxaanba nahay kuwo hogaansan"

Balqiis waxay ahayd qof caqli badan laakiin waxaa ka hor joogay inay ilaahay kaliya caabuddo qoomka ay ku dhex jirtay oo ahaa gaalo dhaqan soo jireen ah u leh in ay qorraxda caabudaan .. Markiiba balqiis waxaa loo gudbiyay qasriga madaxtootadii Nebi Sulaymaan CS oo ahaa mid ku dul yiilay Biyo dushooda oo ka samaysnaa muraayado aad loo qurxiyay .. Balqiis, Waxayna markiiba rumaysay Nebi Sulaymaan oo waxay qirtay inay Allaha caalamka leh u hogaansantay