Dunidaan Ciireysa Carrabkii Qoyani Waa Hadlaa .. Korneyl Muuse Biixi Cagaha Meel U Dhigo Waayey Oo Sii Sagootiyey Ciidamada U Dagaal Tagaya Laascaanod
Sunday - June 18, 2023
Harggeysa- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Axada maanta ah waxa uu hadal ka jeediyey Kuliyadda Cabdillaahi Askar ee deegaanka Dararweyne ee duleedka Hargeysa.
Biix oo halkaas tababar loogu soo xirayay ciidamo ka tirsan milatariga Somaliland ayaa mar kale ku celiyay in gobolka Sool ay ka dagaalamayaan ururka Al-Shabaab iyo Puntland.
Wuxuu Yiri “Huwanta laguu sheegayo waa qayb Al-shabaab ah, iyo Puntland oo Soomaaliya ka mid ah oo cilmi cusub oo aduunka ku cusub keentay, oo leh si qabiil ah ama hayb ah ayaan u sameynaynaa dal dhexe oo Soomaaliyana ahayn,
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale waxa uu caddeeyay inaanay marnaba ogolaan doonin in Alshabaab ay xeryo ka sameysato Somaliland.