Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 11 January 2025

Ma Gabade ILaah Diray Garad Jaamac Cali Oo Iska Xaadiriyey Nairobi .. Korneyl Muuse Bixii Ee Looga Taag Waayey Dhulbahante Oo Marku Kaarkii Isku Rogay Bilaabay Cidla Yuurar Iyo Is La Hadal

Saturday - June 10, 2023




Nairobi- Wafdi culus oo u hogaaminaayo Garad Jaamac Cali Garaad ayaa maanta boqosho Todoba cisho ku tagay magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne jaaliyada somaliyeed ee Nairobi ku nool .. Waxaa warku sheegaya in Garaadka oo ay la socdaan wafdigiisa ay kulamo gaara la yeelan-doonaan safaaradaha shisheeye ee magaaladaas ku sugan, isla markaana ay la kulmi-doonaan qaar ka mida madaxda Kenya iyado halkaas wada hadalkooda u badnaan-doono dhinaca dhaqaalaha, siyaasada iyo sidi qaabki dadyooga tabaaleysan wax loo gaarsin-lahaa

Dhinaca kale warar ka soo baxaya xagaa iyo Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ninki Muuse Bixii ee horay looga taag-waayey Dhlbahante oo la oran jiray " War ka joogso Dhulbahante oo aayar cagaha dhulka dhig oo Waalida jooji iyo kibirka meel ku tagimeyside uu aakhirki Kaarkii isku rogay" waxaa kalo la sheegay in iminka Muuse Bixii kaligi cidla yuuraro oo dabadeed la weydiiyey "Waa adigaan isla hadlaaye, sidee xaalku kaa yahay, wuxuuse ku jawaabay "Faduushayda waa anigaa fuulay Awr faruur xiran"

Qaramad Midooday iyo go'aamadi ka soo baxay ayaa Muuse Bixii Af buuxa ku tiri: Khasab kaga bax Sool Iyo Caro Dhulbahante .. Waxa la yiri, Shimbirta Qooladay-dda la yiraaho baa Derbi Cad oo ay arkayso is tiraaha ka Dus, waxad leedahay Af adag oo aad ku jiiri kartee, dabadeed way isku qaadaa, marku Afku jabo ee ay dhulka ku soo go'do kana kici-kari-waydo, bay dib isu canaanataa, oo tiraahda Maxaa kuu geeyey? Waxa la mid ah taa Muuse Bixii dhulbahante u geysay ee ay Afka ciidda u dareene.