Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 25 November 2024

Jimca Wanaagsan Jimca Barakeysan .. Qiiso Xambaarsan Xikmad Qaali Ah " Waa Qiiso Dhex Martay Abu Xanifa Oo Wiil Yar Ah Iyo Ergeygi Ka Socday Boqorki Ruumka

Thursday - January 5, 2023




Qisadaan waxay dhacday wakhtigii taabiciyiinti Saxaabada .. Magaalada qisadaan ay ka dhacday waa Baqdaad oo laga maamuli jiray Dawlada Islaamka .. Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa waxaa magaalada yimid nin ka socda boqortooyadii Ruumka (the roman empire) kaas oo u sheegay khalifka muslimiinta in uu hayo Sadex Su'aal oo haday muslimiintu ka jawaabaan uu siin-doono Maal badan oo uu ka keenay boqorka Ruumka.

Khalifkii Musllimiinta xukumay ayaa isugu yeeray dhamaan culimadii muslimiinta iyo dhamaan wixii aqoon-yahan ahaa kadib ayuu amray ninkii Ruumaaniga ahaa inuu su'aalihiisii soo daayo .. Rumaanigii ayaa waydiiyay Muslimiintii halkaas isugu timid Sadexdi su'aal ee uu hayay waxa uuna ku bilaabay:

1-iLaahey horaantiis maxaa jiray?
2-ilaahey dhankee ayuu u jihaystaa?
3- ilaahey muxuu hayaa hadda (iminka)?

Goobti kulanka Ruux hadlo ayaa la waayay oo waxaa dhacday shib iyo shib xoogaa kadib ayaa wiil yar oo la fadhiyay aabihii istaagay oo yiri: Aabe anaa ka jawaabaayo su'aalahaas anigaana idiinka aamusiin doono kadib ayuu wiilkii yaraa fasax ka qaatay khalifkii markaasuu ku yiri Roomaanigii:
Ma taqaanaa sida wax loo tiryo? Haa ayuu ku jawaabay Roomaanigii .. Markaas ayuu wiilkii yaraa yiri waxaan kaa rabaa inaad tiriso tiro ilaa iyo toban ah waana in aad ka bilowdaa kor adigoo hoos hoos u tirinaya. .. Roomaanigii ayaa bilaabay Sagaal Sideed Todobo ilaa uu ka gaaray Kow markii uu kow gaaray ayuu aamusay. Wiilkii yaraa ayaa haddana yiri: maxaa ka danbeeya Kow? markaas ayuu Roomaanigii ku jawaabay, waxba kow ayaa ugu danbeeya. 

Wiilkii ayaa yiri hadii ay tiro Kow ugu danbeyso oo aadan dhaafin-weysay Sideed marka ku weydiisay wax jiro ka gadaal midka kali ah midka kowga ah, midka axadka ah, midka joogidda abidka ah midka ugu horeeya,midka ugu danbeeyaa,midka daaiimka ah? ..  Roomaanigii ayaa la dhacay jawaabta cunugu yar . Cunigii yaraa ayaana bilaabay ka jawaabista su'aashii Labaad taasoo ahayd Sheeg (ilaahey dhankee ayuu u jihaystaa?) .. Wiilkii yaraa ayaa yiri Shumac ha la keeno kadib ha la daaro markii la daaray ayuu wiilkii waydiiyay: ii sheeg halka uu holacu aadayo ama u jihaysanaayo? Roomaanigii ayaa ku jawaabay holaca waa iftiin aanan u jihaysanaynin dhanna waqooyi, koonfur, bari,iyo galbeedka wuu ifinayaa .. Wiilkii ayaa ku jawaabay hadii iftiinka yar uu iftiiminaayo dhamaan Afarta jiho uusana ku ekeyn dhinacna: Maxaad u malayn iftiinka (Nuru Samawatiwal-Ardh?) ilaahey dhan walbo ayuu eegayaa waana iftiinka dhamaan dhulka iyo Samawatka .. Ninkii ayaa hadana la dhacay jawabta wiilka yar. 
Cunigii yaraa ee xikmada ilaahey ku manestay intuusan waydiin su'aashi 3-aad ayaa wiilkii yaraa ku yiri Roomanigii: Adiga Minbar ayaad fuushaa anigana dhulka ayaan taaganahay hase yeeshee anna la iga rabaa jawaab celin marka miyeysan fiicnayn inaad soo degto si aan aniga Minbarka u fuulo si dadka dhamaantood ay u maqlaan jawaab celintayda? . Roomaanigii ayaa arintaas aqbalay oo ka soo degay minbarkii wiilkii yaraa ayana ku fariistay minbarkii uu kaso degay Roomaanigii kadib ayuu waydiiyay su'aashii 3aad oo ahayd: (Ilaahey muxuu haya imina?)

Wiilkii yaraa ayaana ku jawaabay: Hada ilaahey wuxuu sababay inuu beenaale ka so dejiyo Minbar sare kuna bedelo kii asaga aaminsanaa. Imikana ilaaheyga aad waydiineyso waxa uu hayo wuxuu sababay inuu beenaale diintiisa ku jeejeesaayo uu dhulka dhigo korna u qaado kii aaminsanaa. Ilaaheyna maalin walbo xaalkiisa waa sidii uu sagu doono.Markaas ayuu wiilkii yaraa akhriyey ayaada 29 ee saratu-ar-raxmaan oo ahayd. يَسْأَلُهُ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ كُلَّ يَوْمٍ هُوَ فِي شَأْن

Ninkii Roomaaniga ahaa ayaa asaga oo qalbi jab ku dhacay ku noqday dalkiisii wiilkii yaraa ayaana ilaahay sababay in uu noqdo Imaan aad loo xurmeeyo lagana qaato diinta Islaamka wiilkii yaraa ee xikmada badnaa ayaana noqday Imaankii weyna ee Islaamka ee loo yaqaan Al-imaan Abu Xaniifa.
(Allahu akbar