Ciid Mubaarak .. Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr
Saturday - July 9, 2022
Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa u soo dirno dhamaan akhristayaasha Galdogob Times.
Waxaan halkan hambalyo uga tebineynaa dhammaan umadda Islaamka ah oo maanta ku ciidaya daafaha dunida, isla markaa waxaan xujeyda sannadkan 1429 u rajaynaynaa baraare iyo barwaaqo iyo in Allah ka aqbalo cibaadadooda .. Dhammaan muslimiinta meel kasta ay joogaana waxaan leenahay CIID MUBAARAK.
Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu ka dhigo dhul nabad ah .. Soomaalida Allah niyadooda ha isu-wanaajiyo. Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.
Waxaa bahda Galdogob Times si gaara ugu mahad-naqayaan dhammaan akhristayaasha noo soodiray hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa, waxaana dhammaan idiin soo tebineynaa hambalyo taas la mida.
Allah sannadkan fooda inagu soo haya ee 1430 ha kadhigo sannad nabad iyo barwaaqo ay camirto dhulka Soomaaliya iyo dunida oo dhanba .. Marlabaad Hambalyada Ciid-Al-Adxa naga guddooma.
Kulu Caam wa-antum Bikheyr .. CIID MUBAARAK