Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 13 January 2025

Yaa Miskiin Ha Daalin Hana Quusan .. Kac Kuf Oo Hadana Kac .. Sadex Marxaladood Ee Heerka Kala Duwan Aadanuhu Soo Maro Meertada Nolosha

Thursday - July 7, 2022




Xooga, Tamarta iyo Awoooddaha jireed ee nooluhu ma waaraan. Waxa ay leeyihiin bilaw, ka dib waxa ay gaaraan heer dhameystirnaan ah, intaa ka dibna waxa bilawda hoos u dhac, tamaryaraan iyo qaloocsan ku yimaadda lafaha jirka aadanaha.

Sida Ay micnaha inoo tilmaameyso Aayada 54-Aad Ee Suurada Ruum Saddexdan marxaladood, waa heerarka kala duwan ee aadanaha iyo dhamaan  nooluhu wada maraan inta ay ku gudo jiraan meertada nolosha ..  Waa halka uu rasuulku (scw) ka yiri isaga oo ka hadlaya marxalado ay tahay in aad looga faa'iideysto inta aanay iman xaalado kale  "Shan uga faa'iideyso , shan kale hortood, dhallin-yaranimadaada ka hor intaanad gaboobin.

Nin murti reebay baa yiri "Marka aad da' yar tahay, waxa aad haysataa Tamar iyo Wakhti, balse ma haysatid lacag. Marka aad shaqo tag noqotana, waxaad haysataa Lacag iyo Tamar balse ma haysatid wakhti , marka aad gabowdana, waxa aad haysataa Lacag iyo Wakhti, balse tamar aad wax ku qabsataa ma jirto".

Waxaad tahay miskiin, waana sidaa arinku ee aqbal wixii tagay, hana ka qoomammayn, waxa taagan ku maamul kalsooni, hana dayicin fursadaha, waxa soo socdana ku qaabil dhiiranaan iyo cabsi la'aan, Dir-Diirtuba wax ay luudaba, ugu dambeyn waxa ay noqotaa Balanbaalis hawada duusha.
Laila Gifty Akita, waxa ay tiri " Marxalad kasta oo ka mid ah marxaladaha meertada noloshu waxa ay leedahay qiimo u gaar ah".

Cabqari Euginia Herlihy waxuu yiri "Waynu dhalannay si aynu u marno marxalado kala duwan, sidaasi oo kalena himilooyin-keennu waa in ay iyaguna marxalado kala duwan soo maraan".

Yaa miskiin, ha daalin, hana quusan, waana halkii fannaan Faala Dagan e 'kac kuf oo haddana kac'. Horta muxuu lahaa fannaankani?  Kac waan ka sii xasuustaa in ay ku jirtay hadalkiisa.

Dulucda qoraalka: Marxalad walba oo aad ku sugan tahay, waxa jira fursado aad haysato, marna ha dayicin, uga faa'iideyso sida ugu haboon, ogowna adduunyadu waxa ay ku jirtaa tartan.