Dadka inta cilmiga Axaadiista wax ka taqaan, Imaamul Bukhari waxay u aqoonsan yihiin inuu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu muhiisan taariikhda umadda Islaaamka .. Bukhaari wuxuu ku soo biiriyey dhaxal-tooyada umadda Islaamka kitaab kiisa loo yaqaan "Saxiix-ul-Bukhaari" laakiin isagu uu u bixiyey "Saxiixul Jaamic" oo ah midka ugu saxiixsan kutubta qoran, Qur’aanka ka dib kaas oo Culimdu isku waafaq-santahay inuu yahay Bukhaari Imaamu Ahlul Xadiis iyo ninka ugu xifdin badan Sunada Nabiga (scw) .. Bukhaari wuxuu halyey u yahay inta Sunnada Nabiga (scw) barashadeeda u heelan had iyo goor, fahamkeedana u oomman, waana Amiirul muslimiinta xaga Xadiiska.
Bukhaari, wuxuu ku dhashay magaalada Bukhaara ee dalka loo yaqaan Uzbekistan .. Bukhaari Aabihii, oo la oran jiray ismacil ibnu ibraahim wuxuu ka mid ahaa culimada waaweyn ee cariga Bukhaara caana ku ahaa uruurinta iyo xifdinta Axaadiista Nabiga (scw) .. Bukhaari Aabihi wuxuu geeriyooday isagoon garaadsan oo dhabtii hooyadii ku jira, kadibna koriimadiisi waxaa la wareegtay hooyadiis
Imaam Bukhaari Sideed-iyo-tobon markuu jiray wuxuu la xajiyey hooyadii iyo walaal kii Axmed, Xajka, ka dib Bukhaari wuxuu cilmi dalab ugu haray Xaramka Maka, ka dibna wuxuu qoray kitaabki ugu magac daray "Qadaayaa as-Saxaabah wa-Taabiciyyiin". Wax yar ka dib wuxuu aadey magaaladii u Nabiga (scw) ee Madiina intuu joogeyna wuxuu qoray kittaabkiisii caanka ahaa ee “Al-Taariikh al-Kabiir.” .. Bukhaari wuxuu xifdiyey oo dusha ka qeybey 300.000- kun oo Xadiis(Sadex-boqol-oo kun oo xadiis) 100.000-kun (Boqol-kun) oo ka mida ay saxiix wada tahay, iyo 200.000-ku (laba boqol oo kun) oo aan saxiix ahayn.
Imaam Bukhaari Markuu magaalada Baqdaad soo galay, waxaa loo qabtey xaflad balaaran oo lagu soo dhawey nayey ooy ka soo qeybgalleen culumaddii Axaadiista ee reer Baqdaad, sidii qorshuhu ahaanna waxaa Bukhaari loo soo bandhigay boqol xadiis oo si kas ah loo marooriyey ula kacna leys ku daba mariyey, Sidii lagu yaqaaney Imaamka, Intuu miyir u dhegeystey buu mid-mid u dhiraan-dhiriyey Asnaadoodii saxda aheyd maroorkii ku jireyna ka saaray (marlabaad buu ugu celiyey boqol kiiba isagoo sidii saxda ahayd ee Nabiga (scw) looga wariyey u qaadaa dhigaya ilaahow ku xifdi sidaad u xifdisay warka Nabiga (scw) .. Dhacdadaasi waxay muujisay xeel dheeraanta aqoontiisa xifdiga iyo garashadiisa Cilmiga Xadiiska Nabiga (scw),
Markuu muddo ka maqnaa Bukhaara ayuu bukhaari go’aansaday inuu ku laabto dad kiisii iyo magaaladiisii. Markey maqleen reer Bukhaara safarka bukhaari ee xagooda ah, farax iyo ray-reyn baa ka buuxsamay. Waxay diyaariyeen qaabilaad aan hore loo arag, xatataa magaalada duleedkeeda bey Teendhooyin ka dhiseen .. Markuu Bukhaari magaalada yimid, wuxuu durbadiiba guda galay baarista Axaadiista Nabiga (scw) . Hase yeeshee waxaa damcay inuu handado, qash-qashaadna ka deyn waayey ninkii Bukhaara xilligaa waalli-ga (amiirka) ka haa ee la oran jiray Khaalid Binu Axmed Ad-duhaley ugana ahaa Khuraasaan dowladii Cabbaasiyiinta.
Amiirki dalka wuxuu Imaamka ku yiri: gurigeyga caruurta wax iigu bar, Bukhaari wuxuu si geesinimo leh ugu jawaabey, "Ma rabo inaan ku xadgudbo sharafta cilmiga oo la meeraysto iridaha guryaha madaxda ee haddii cidi rabto iney aqoon kororsato ha timaado dugsigeyga.” Waalli-gii Bukhaara baa hadalka sheekha ku celiyey oo yiri "Haddii wiilkeygu dugsigaaga yimaado ha la fariisin ardada kale ee gooni wax ugu dhig .. Bukhaari baa yiri: Qofna kama diidi-karo xadiis dhegeysigi. Oo macnaheedu yahay wiilkaaga gooni wax ugu dhigi mayo .. Imaamku Gacanta ayuu ku dhuftay dalabaadkii ka imaanayey Madaxtooyda taas oo ay ku guul daraysteen Culimo Badan oo joogta xili kasta, kuwaas oo ku mutaystay magaca meel walba looga yaqaan ee Culumaau Dowlah (culimada dowlada).
Khaalid Ibnu Axmed oo ahaa Waalli-gii Bukhara, wuxuu Imaamul Bukhaari ka eryey magaaladii uu ku dhashay ee uu ugu soo noqday inuu dadkeeda u faa’ideeyo waxuuna aaday magaalo kale oo ka tirsan Samarqandi oo dad qaraabadiis ah ay daganaayeen, laakiin dulmigaas kama faa iidin Amiirkii Khaalid ee Bukhaari wuu habaaray ilaahayna waa ka aqbalay oo Ninkii kasareeyey ee haystay Khuraasaan ayaa amray in xoolahana laga qaado xabsigana loo taxaabo Amiirkii isagoo Dameer saraan baa Jeelka la dhigay halkaas buuna ku dhintay Aakhirtaankii. (ilaahay waa caadil ee dulmi iska ilaali walibana midka culimada) .. Waxaa kaloo Geesinimada kamida inuu ku haray Maka mudo badana uu u wareegayey dhulal badan inuu Cilmiga xadiiska ka soo horka laabto ilaahayna waa ku guuleeyey oo waxuu kasiiyey Qayb wayn.
Geeridiisii .. Imaamku waa ka xumaaday Tarxiilkaa joogtada ah ee meeshu tagaba looga cayriyey wuxuuna go'aansday inuu xagaa iyo Samarqandi aado markuuse muddo usoo jiro ayuu maqlay in dadka magaalada ay isaga dartiis isku khilaafeen oo aaraa kala duwanna ka qabaan oo qaar leeyihiin yuusan noo imaan. Ka dib Imaam Bukhaari wuxuu goostay inuusan magaalada gelin ee uu tuulo u dhow dego. Waxaa la wariyey inuu markuu tuulada degey Allaah baryey oo uu yir" Alahayow Cid ii rabta ma jirto oo aan adiga ahayen oo Eebow dhulkii Ballaarnaa wa ila yaraaday ee I oofso” ka dibna wuu xanuunsaday.
Mar dambe Imaamku Asagoo xannuunsan ayaa ergo ka socota Samarqandi ka codsadeen inuu magaalada soo galo, hasa ahaate Markuu ajiibeyna xanuunkii baa ku sii kordhay. Imaamku wuxuu geeriyooday habbeenkii Ciidu-al-Fidri-ga ee bisha Shawwal kawda aheyd, 256H. Cumrigiisu wuxuu ahaa Imaamka 62 sano oo laba-iyo-toban habeen dhimman markii la oof-saday Imaam Bukhaari. Waxaa hubaal ah in sanadkaas qoraxdii aqoonta cilmiga xadiiska dhacday. Waxaa damay oo shiiqay ilayskii aqoonta ee u ifayey shucuubtii degeneyd Samarqand, Bukhara, Baqdaad, iyo Nisaabuur. Imaam Bukhaari, Allaha u naxariistee, si weyn baa loo tabey, Ragii xiligaa joogey ee gabayaaga ahaa waxay mariyyeen gabayo boroordiiq ah ooy ku cabbireen siday Imaam-ka u tabeen.