Laakiin nasiib-daro, innagu Qarankii aynu maanta oo kale ku baxsan lahayn hore ayaynu kala aarsi ugu curyaaminay, oo wey adagtahay awood ahaan inaanu maanta dabooli-karno, baahida ballaaran ay shacabkeenu la tiicayaan, waase inshaa allaha waa dadaaleynaa, oo waxaan ka faaiideysan-doonaa wabiyaasha guuraya ee aan leenahay maxaa yeelay ayuu yiri, sixir bararka, nabad-galyo xumida inna haystaa waxa qura ee lagula tacaali-kara waa inaan dhexdeena ka heshiina oo midnimo muujinaa is cafinaa, taas ayaana argagixisada Shabaab uga adkaan-karnaa .. wuxuu yiri aan kuligeen sii qalbi furan run run ah isu caawino oo ilaaheyn u toobad-keeno .. Ugu dambeyn Xasan Shiikh wuxuu qaawiyey Sheydaamiinta daaqda kaduuda oo Dadki ka indhasaabay wanaaga u leeyahay midnimada.
Gabagabo Xasan Shiikh wuxuu marar badan goobha fadhiga Gogosha kaga af celiyey in aan loo baahneyn muran aan rajo lahayen iyo yooyootan sidi Fodle iyo dhoocil-nimo waqtiga lagu lumiyo, waxaan dooneynaa ayuu yiri Dawlad Buuxda Burud sareysa leh oo Bari iyo Galbeed ka gadmeysa, wuxuu hadalkiisi ku soo gabgabeeye: Nin wuxuu ku hadlo ay beentahay, wuxuu amro dhagar-tahay, waxa u bixiyo Laaluush tahay kala tagee isaga iyo Dawladnimo, oo aniga Xasan ah falalka caynkaasa layga sugimaayo