Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin wuxuu arkay haweney waayeel ah oo dhinac taagan gaari Marsheedis ah (Mercedes), wuxuu soo aaday dhankeeda, markuu u soo dhawaday ayuu arkay in gaariga ay lug (taayer) ka banjartay, islmarkaana aysan awoodin in lugtaas ay gaariga ka badasho.
Xiliga oo habeen ahaa iyo wadada oo cidlo aheyd, haweyneydii markey aragtay ninkaan dhankeeda u soo socdo ayey ka shakisay, wayna ka cabstay inkastoo uu dhoola cadeynayay, muuqaalkiisa ayaa wuxuu ahaa nin duruuf ay ka muuqato, wasakh badan, baahi badana laga dheehan karay.
Isagoo dareemay in ay ka baqaneyso ayuu ku yiri, “Mama waxba ha cabsan aniga waxaan rabaa kaliya in aan ku caawiyo, magaceyguna waa Nuur.”
Nuur ayaa wuxuu bilaabay in uu gaariga lugta ka badalo, xoogaa kadib waxaa u suura gashay inuu badalo taayarka inkastoo gacanta uu dhawac fudud ka gaaray.
Mamadii ayaa u mahad celisay, waxayna waydiisay qiimaha lacageed ee uu doonayo in ay siiso maadaama uu shaqo u qabtay, Nuur ayaa ugu jawaabay “hadii aad dooneyso inaad aniga ii abaal gudo, waxaad
caawisaa, markaad aragto qof dhibaateysan oo caawin u baahan sidii adiga aad ugu baahneyd oo kale, kadibna aniga isoo xasuuso.”
Sidaa ayaa lagu kala tagay dhowr Kilo Meter markii ay socotay ayaa mamadii waxay aragtay maqaayad (maqaaxi) yar oo wadada dhinaceeda ku taala, waxay aheyd maqaayad yar oo 4 kuraas kaliya taalo cuntooyin badana aan laga helin, kabalyeeriyada maqaaxidaasi joogtay ayaa waxay aheyd haweney, Maamadii gaariga wadatay ayaa dalbatay koob shaah iyo casho fudud, markii kabalyeeriyadii ay keentay ayey Mamadii dareentay in gabadhu ay uur qiyaastii 8 bilood ah leedahay, islamarkaana waxay is waydiisay waxa ku kalifay iyadoo sidaa u culus inay shaqeyso, balse way iska cadeed oo duruufta jirta wajigeeda ayaa laga dheehan karay.
Markii ay cashadii dhameysatay ayey u dhiibtay $100, gabadhii ayaa waxay aaday qaanada (qasnada) si ay sarif ugu raadiso baaqigana ugu soo celiso, balse markii ay soo laabatay waxay aragtay Mamadii oo meesha ka maqan, waxayna indhaheedu qabteen warqad yar oo miiska dul sarneyd, markii ay aqrisay ilin ayaa ka soo daadatay, waxaa ku qornaa warqada.
“Wax lacag ah kuguma lihi, qof ayaa hada ka hor I caawiyay sida aan ku caawinayo oo kale, saxanka hoostiisana waxaa ku jira $400 kale oo dheeraad ah, adiga ayaana iska leh.”
Habeenkaas maalinkii xigay ayey sii shaqeysay waayo iyadaa shaqada ku qorneyd, habeenkii dambe ayey gurigeeda aaday, markii ay guriga tagtay ayadoo sariirta jiifta ayey soo xasuusatay Mamadii waxayna layaabtay sida ay ku ogaatay baahida badan ee lacagtaas u qabeen iyada iyo saaygeeda, maadaama ay bil kadib rajeynayeen in uu cunug (baby) u dhasho, xaaladoodana ay aad u adkeyd, sidoo kale waxay ogeyd in gacaliyeheeda uu aad uga walwalsanaa sidii uu kharash-ka isbitaalka ku heli lahaa.
Isagoo dhankeeda midig jiifa ayey dhagta afka u saartay waxayna si cod dabacsan ah ugu sheegtay, “Macaane, Nuur wax walba waa ok, kharashkii aan u baahneyna anigaa haya.”