Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 15 January 2025

Dayaxi ILayska Arlada Gaaro, Nuurki Islaamkow Ishaarooyin Badan Baa Dadku Ka Arkeeno .. Mucjiso Nabiga SCW Ka Waramay Oo Waqtiyaadan Dambe La Arkay

Wednesday - March 16, 2022




Maalinba maalinta ka danbaysa waxa isasoo taraya mucjisooyinka uu ka warramay nabigeena Muxamed (scw) .. bal aynu eegno mucjisada ku saabsan dhulka Carabtu dagto ee saxaraha ah oo isu badalaya dhul wabiyayaal badan leh iyo beero waaeyn.

Sida kusoo aroorta Xadiiska saxiixa ah ee Imaam Muslim soo saaray wuxuu yiri: “Aba hurayra waxa laga wariyey inuu Rasuulka (scw) ka wariyey inuu “Saacada Qayaame dhici mayso illamaa xooluhu ka bataan oo ay fidaan, iyo illamaa ninku uu la baxo Zakadiisa oo uu waayo cid ka qaadataba, iyo illamaa dhulka Carbeed ku soo laabto beero iyo wabiyayaal

Xadiiska wuxuu tilmaamayaa in dhulka carbeed uu kusoo laabanayo dhul leh beero waaweyn iyo wabiyayaalba, waxa xadiiskan ku jira laba Mucjiso:

Marka hore wuxuu nabigu yiri ku soo laabto dhulka carabtu beero iyo wabiyayaal, taas oo macnaheedu tahay in dhulkaas saxaraha ah iminka ay waagii hore ahaan jirtay dhul biyo iyo baadba leh. Balse sanado badan kadib ay isu badashay dhulkaasi dhul saxare ah, oo lama dagaan ah. Tusaale ahaan dhulka ay Soomaalidu degto waagii hore mudo laga joogo konton sanadood ka hor wuxuu ahaa dhul cagaaran oo ay duurto joogto, hase ahaatee cimilada sii kululaanaysa iyo dhibaatooyinka deegaanka ayaa ku kallifay inuu dhulkaasi isu badalo mid saxare lamood ah, hadii aan lays daba qabanina wuxuu isu badalayaa saxare boqolkiiba boqol ah.

Arrintaas uu nabigu (scw) ka warramay waxa la ogaaday dhowaanahan kadib markii la arkay wabiyayaal  hoos qulqula saxaraha dhulka carbeed, sidoo kalena la helay raadadkii xayawaanada duurjoogta sida Maroodiga, Jeerta, Fardo-badeedka, Yaxaasyada, kuwaas oo aynu naqaano inay had iyo jeeraale ku noolyihiin dhulka wabiyada leh. SubxaanAllah,

Arrintaasi way xaqiiqowday oo culumada Geologis ka ayaa isla qaatay, waana mucjiso kamid ah mucjisooyinka nabigeena suuban (scw).Wuxuu nabigu dhahay dhulka Carabta ayaa ku soo laabanaya mid leh beero iyo wabiyayaal, taasina waa mucjiso kale oo culumada ku takhasusay cimilada waxay leeyihiin: Arrintaasi waa xaqiiqo cilmi ah oo meel laga maraa aanay jirin, sababtuna waa cimilada Aduunka oo isbadalaysa kana yeelaysa dhulkaasi inuu helo biyo badan, wabiyayaal burqanaya iyo beero waaweyn oo cagaaran. SubxaanAllah, tanina