Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 15 January 2025

Caafimaad Ado Qaba Cudur Lama Yaboohsado .. Maxaa Keena Eernada Xudunta " Umbilical Hernia" Iyo Sida Loo Daaweeyo

Friday - March 11, 2022



Waa xaalad lagu arko ilmaha dhalaanka ah sanad ilaa 2 sano jirka ah wax daaweyn ah uma baahna oo iyada ayaa iska baaba’da 2-3 sano gudahood, Balse haddii aa ku aragtid astaamahan soo socda si dhaqsa ah takhtar aqtar u gee:
🔺️Haddii maqaarka Eernada korkeeda uu is badalo
🔺️Haddii marka la taabto Eernada dusheeda uu ooyo ilmuhu
🔺️Haddii Eernada dusheeda adkaato
🔺️Haddii matag joogta ah uu keeno ama caloosho fariisato
🔺️Haddii calooshu soo fuurto ama aaryo laga waayo
🔺️Arimahaas oo dhan waxaa ey na tusinaayaan in Eernada ama Mindhicirka/xiirmaha Mesha soo galay ey dhuuqsameen oo ey xirmeeyn,Waxaa loo baahanyahay qaliin dag dag ah, balso ogow in ey taasi dhacdo wax aad u yar, qaliinkaasne uu yahay mid aad u sahlan oo isla maalintaa uu bixi karo bukaanku .. Ka waran haddii Eernada Suun ama Shilin lagu xero sida la sameeyo 🤔?

Arintaasi lama ogola , waxa eyna keeni kartaa in meeshu bukato ama cadaadis caloosha saarto.

By Dr Ibrahim Addow .. Dhaqtar caafimaadka caruurta.