Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 15 January 2025

Dhaq-dhaqaaqa Mawjadaha Milatariga Shiinaha Dhirifka Weerarka Colaada Leh Oo Darsaaya Duulaanka Ruushka U Ku Qabsaday Ukreyn .. Taiwaan Mawtki Baa Ku Taagan

Thursday - March 10, 2022




Agaasimaha sirdoonka qaranka ee Maraykanka, Avril Haines, ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Shiinaha ay darsayaan qaabka ay dowladaha Galbeedka u wajaheen duullaanka Ruushka, iyo waxa ay Moscow u dhimi karto cuna-qabateynta la saaray .. Shiinaha ayaa aaminsan in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah dalkiisa, halka xukuumadda Taipei ay sheegato inay tahay dal madax-bannaan, inkasta oo ay kooban yihiin dalalka la leh xiriirka diblomaasi.

Shiinaha ayaa ku doodaya in aan la is barbar dhigi karin Taiwan iyo Ukraine, oo jasiiraddaas ay tahay qeyb kamid ha dal-weynihiisa, halka Ruushka uu dagaal ku qaaday dal madax bannaan oo la aqoonsan yahay .. Shiinaha ayaa diiday inuu cambaareeyo Ruushka ama uu waxa ka socda Ukraine ku tilmaamo duullaan.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dalkiisa uu difaaci doono Taiwan, haddii uu Shiinaha weerarro.
Taiwan iyo Maraykanka .. Madaxweyne Biden ayaa todobadakii hore Taiwan u diray wefdi heer sare ah, una badan mas’uuliyiin hore. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid garab istaag u muujinaysa xukuumadda Taipei, isla markaana uga digaysa Shiinaha in uusan duullaan qaadin xilli Washington ay ku mashquulsan tahay colaadda Ukraine.

Maraykanka ayaa xiriir dhaw la leh Taiwan si uu u xakameeyo awoodda Shiinaha, arrintaas oo ay daandaansi u aragto xukuumadda Beijing .. Xukuumadda Washington ayaa Taiwan u oggolaatay inay ka iibsato hub qiimihiisu ku kacayo 19 bilyan oo dollar lixda sano ee soo socota.

Inkastoo ay Washington mar Taiwan u aqoonsaneyd dal jira, haddana heshiis ay Beijing iyo Maraykanka gaareen sanadkii 1979 ayaa waxa ay isla garteen in Shiinaha uu yahay dal mid ah, taasoo keentay in Taipei uu kala noqdo aqoonsiga.

Sidaa oo ay tahay, Maraykanka ayaa xiriir aan rasmi ahayn la leh Taiwan, oo haysata hannaanka dimuqraadiga ah, isla markaana xiriir diblomaasi la leh dalal dhowr ah.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Maraykanka, Qin Gang, ayaa horraantii sanadkan ka digay in arrinta Taiwan ay dhalin karto in xukuumadaha Beijing iyo Washington ay isaga horyimaadaan dagaal milateri oo toos ah.