Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 26 November 2024

Doqonkii Inanta Loo Xareeyey Wuxuu Yiri Alla Caashaay Macaana .. Muxuu Salka Ku Haya Khilaafka Xoogan Ee Soo Kala Dhex Galay Guud-lawe Iyo Dabageed

Monday - March 7, 2022



Wararka la xaqiijinaayo ayaa sheegaya in Khilaaf xooggan u soo kala dhexgalay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe iyo kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar ‘Dabageed’ oo ku wada sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan .. Sida la xusay Labada masuul ayaa khilaafkoodu salka ku hayaa doorashada 11 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS, kuwaas oo yaalla magaalada Beledweyne .. ku-xigeenka dabageed ayaa ku haminaaya kufsi- boob kursi oo gaaraya illa Sadex musharax loo xiro halka kuwa kalana la bireeyo 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle uu ka horyimid in si daah-furan loogu tartamo 11 Kursi, kaddib go’aankii Madaxweyne Guudlaawe ee ahaa inaan cidna loo xiri-doonin .. warkuse wuxuu tilmaamaya in soo jeedinta madaxweyne Guudlaawe ee is reeb-reebka ay shaqeyn-doonto

Madaxweynaha Hirshabeelle oo habeen ka hor kula kulmay Madaxtooyada Beledweyne musharixiin gaaraya 50 oo u taagan 11 kursi, ayaa ballanqaaday in aan cidna loo xiri doonin kuraastan, kaddib markii maleeshiyaad hubeysan oo taageersan musharixiinta qaar ay soo buux dhaafiyeen magaalada.

Guddiga SEIT ee Hirshabeelle ayaa dib u dhigay doorashada kuraastan oo la filayay inay 8 iyo 9 bishan Maarso ka dhacdo magaalada Beledweyne, iyagoo sheegay inay dib kasoo sheegi doonaan waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo.