Dhacdooyinka Maalin-laha Ah Ee Qadarka Eebe Ku Socda .. Hooyadi Dhashay Butin Oo Lagu Daray Liiska Dad Geeriyooday Kadibna Dhasahy Wiilkaan Aduunyada Habaqa iyo Habaaska Galiyey
Monday - Feb 28, 2022
Qadarka Ilhaanimada Qof Waliba Ilaahay Baa U Qoray Wuxuu Ku Dambeynaayo .. Madaxweyne Butin magaciisa oo dhameystirian waa Vladimir Vladimirovich Putin waxa u ku dhashay magaalada Leningarad ee dalka Ruushka sanadki 7 October 1952 .. Putin waxaa la dhashay Labo wiil uu isagu ugu yaraa, nasiib xumase waxaa ay dhinteen wax yar uun ka dib dhalashadiisa .. Hooyadiis oo la oran jiray Maria Ivanova waxay ka mid aheyd shaqaalle Warshad ku taalay Magaalada uu ku dhasahay Butin, laakiin warshadaas oo soo duntay waxay ka mid ahayed shaqaale lagu tiriyey iney halkaas ku dhimatay, hasa-yeeshe mar dambe oo meydadki xabaasha loo waday ayaa la helay iyado weli naf ku jirto waana laga soo saaray, dabadeed muddo kadib oo ay ka biskootay eedaadki iyo dhibki ay soo martay xikmad eebe waxay uurkiisa qaaday Butin oo ah ninka maanta Mareykan iyo Reer Galbeed ka qaylineyso .. Bal Eeg Xikmada Eebe iyo qadarkiisa sidu wax u maareeyo .. Wax walba waxaa loo sameeya sida ay tahay doonista Alle
Butin Awoogiis aabo wuxuu ahaa dabaakhi Hogaamiyihi Sofetka Joseh Stalin .. Putin Aabihiis marki dambe wuxuu ahaa xubin ka mida ciidamadi milatariga ee Ruushka
Waxaa la sheegey in Butin qalin jebintiis Jaamacada Leningrad University ka dib uu ku biiray ciidamada sirdoonka dalkaasi ee loo yaqaano KGB halkaasi oo uu ka shaqeynaayay muddo 16 sano ah, waxa uu ahaa sirdoon qaabilsan arrimaha dibeda iyadoo uu wadamo badan uu kasoo shaqeyeeyay ka hor inta uu shaqadaasi isaga soo tagin dabayaaqadii sanadii 1991.
Waxa uu siyaasada kusoo biiray sanadkii 1996 isagoo la soo shaqeeyay maamulkii xiligaasi dalkaasi ka talinaayey ee uu Madaxweynaha ka ahaa Boris Yeltsin, saddex sano dabadeedna waxa uu noqday Madaxweynaha Dalkaasi Ruushka waa 31 December 1999, xilkaasi oo uu iska casilay madaxweynihii xilka kaga horeeyey Mudane Boris.
Bilaawgii Madaxweyni-nimadiisa waxa uu xooga saaray casrisyeenta qalabka kala duwan ay ciidamadda dalkaasi ku howl geli-jireyn ka hor inta uusan xilka qaban, waxaana la aamin-sanyahay in uu ka faa’iideystay khibradiisa dhanka ciidamada uu u leeyahay madaama uu in muddo ah ku guddo jiray hanaanka ciidamadda dalkaasi isagoo darajada Korneyl ka gaaray inta uu ciidamada dalkaasi kamid ahaa.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa lix sano oo hor leh la doortay biishii march ee sanadkaan waxa uuna doorashadaasi ku guuleystay codad gaaraya 76%, inkastoo qolyaha mucaaradka dalkaasi ay aad u dhaliileyn habsami u socodka doorashadaasi.
Waxaa lagu xasuusan doonaa Madaxweyne Putinka Ruushka go’aamada adag ee uu had iyo jeer uu ka qaato Mareykanka iyo xulufadiisa.