Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 15 January 2025

Doqoni Wey Qufacdaa Laakiin Meel Laga Raacay Ma Garato .. Doorashada Duufaanta Ee Dixiriga Hoosta Kaga Jiro .. Qoor-Qoor, Deni , Madobe, Gud-laawe, Farmajo Oo Kuligood Af Qoti Ku Ooyaya

Sunday - Feb 27, 2022




Sabeen Hore Wixii Soo Jiray Saaka Waxa Jooga .. Wararka dhaga-dhageynta suuqa ee lagu hadal-haynta badan-yahay ee lala xariirinaayo doorashada aan sharciyda lahayen oo beryahaan la is la dhex maraayo ayaa qoloba aragtideeda meel ku dhufaneysa, oo waxaa fikrado laga bixinaya dorashadaan duufaanta qabyaaladeed dixiriga hoosta kaga jira reer u maqaar-saarka ah ee maalmahaan maamulada ka socda, kuwaaso inta badan shaxdi loogu tala galay aysan u dhicin .. Doorashooyinkii dhacay ilaa maanta ayaa ah kuwo gebi ahaanba la musuq-maasuqay, iyadoo afar hab oo waaweyn loo adeegsaday arrintaas. Habka ugu horreeya waxey aheyd u “xiritaanka” kuraasta musharax gaar ah, iyada oo musharraxa uu keensada “malxiis”is casila ka hor intaysan doorashada dhicin. 

Habka labaad ee lagu musuq maasuqay doorashada ayaa ahaa iyadoo loo diiday musharax aan la rabin in la siiyo warqadda caddeynta amniga .. Habka saddexaad waxa uu ahaa in la sameeyo cod-bixiyeyaal been abuur ah oo aan metelin beelaha ay kursiga ku fadhiyaan taas oo ahayd in la iska indha tiray oday dhaqameedyadii dhabta ahaa oo cid kale la keensaday .. Labadan hab ee ugu dambeeya ayaa inta badan loo adeegsaday doorashada Aqalka Hoose, iyadoo dhammaan musharixiinta aysan dooneyn madaxweynayaasha dowlad goboleedyada laga saaray .. Habka afraad wuxuu ahaa iyadoo la adeegsanayo dhiirigelin lacageed si loo hubiyo in musharrixiinta la doonayo ay doortaan baarlamaanada FMS iyo ergooyinka doorashada.

Arinta si kastaba ha ahaate Villa Somaliya waxay ku meereysanayaan shaxdi ay dhigtay ee ahayed iney maamulada ka hesho xildhibaano iyaga u gaara oo ugu yaraan ay u soo xaroodaan bolkiiba 80% waxaase mooda in shaxdi iyo sahanki ay dhigteen ay wax badan iska badaleen oo maamulada qaar sida Maamulka Galmudug wixii garabka Farmaajo inta badan xildhibaano laga filaayey aan la helin, halkaaso si isku dhex jira oo Mucaarad iyo Muxaafad leh ay soo wada galeen baarlamaanka, lamana garaanaayo inta badan wajiyada soo galay ciida ay cod-kooda siin-doonaan, laakiin warka waxaa loo badinaaya in Sadex meelood meel kaliya ay dhici-karto in ninka dabinada dhiga Fahad Yaasiin meel ula dhaqaaqi-doono, amase ula-galo ninka u madaxnimo u shaqaaleyn-doono oo illa hadda shakhsigaas aan la garaneyn, waxaase la odorosaya in ninka u wato usan ahayen Maxamed Farmajo balse si xeeleydeysan u ayaamo ku guuraayo kadib dantiisa ugu adeegty

Dhinaca Kale Madaxweynaha hirshabeele oo laga filaayey inu Xildhibaano u soo xulo Villa Somalia ayaa iyadana sidi loo maleynaayey noqon-weyday oo waxaa inta badan xubnihi halkaas laga doortay ay u baten kuwa aan ku qanacsaneyn hogaaminta Maxamed Farmaajo, balse guud ahaan xubnahaas ma aha kuwa la saadaalin-karao codkooda halka ay la aadayaan, laakiin sida la qabo koleyba villa somaliya wey ka niyad jabsan-tahay xildhibaanada halkaas ka soo baxay.

Waxaa iyadana soo hadal qaad mudan oo faalo gaara laga bixinaya xildhibaanada ka soo galay dhinac Konfur Galbeed oo iyagu lagu tiriyo iney yihiin xildhibaano si gaara loo xulay oo taagero buuxda siin-doona Villa Somali, laakiin dadka qaarkiis oo wax odorasa una dhuun-daloola dhaqankaa qabaaiilka bulshada Konfur galbeed ayaa tilmaan ka bixinaaya in guud ahaan aysan marna dhici-karin in xildhibaanadaas dhamaatood cod-kooda meel qura kuwada shubaan, waayo ayey yiraahdeen Dadyoogaas intooda badan qawl xira ma laha oo xaalada markaas taagan iyo canka buuxso ayey wax ku jaan-goostaan

Haddi Aan u ka kacno dhinaca Puntland iyo Saciid Deni, waxaa isagana illa xad dhinac u dhicin naqshadiisi u ku doonaayey inu boqolkiiba boqol u is lahaa xildhibaano ku gaara soo saaro, bal sidi u rabay boqolkiiba boqol uma helin, oo halkaas si gadooda waxa uga horyimi odayashi dhaqanka Boosaaso oo Fariinka u jiiday oo illa hadda sidu uga bixi lahaa la rafanaayo iyo bal inu halkas ka soo helo koox si uun u taageerta

Saasoo kale Maamulka Jubaland oo iyadana si un u qasan waxaa la filayaa in halkaas ay ka soo bixi-doonaan xildhibaano isku dhafan oo xoogooda aan taageersaneyn Villa somalya .. laakiin Dad bulshada somali ka mida ayaan ogeyn xarig jiidka garbahaarey ciida isku haysta .. Meesha Garbahaarey isku ma haystaan Farmajo iyo Axmad Madobe ee waxaa is diidan oo wax kala bursanaaya waa dadka degaanka oo dhexdooda isku haysta beelo iyo jufooyin kala taabacsan labada dhinac