Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 15 January 2025

Caasimada Kiiv Filinkeedi Wuxuu Noqday Dhiig Falaqleynaya .. Awoodi Fufneyd Iyo San-Taagi Madaxweynihi Ukreyne Oo Si Kala Furfurmeysa Fariin Ku Jiiday Fadhi Noo Ma Yaalo Carar Mooye

Friday - Feb 25, 2022




Ruushka ayaa weerar ballaaran oo milateri waxa uu ku ekeeyay dalka koonfurta dariska kala ah ee Ukraine, arrintaas oo ku timid amar uu soo saaray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin taasna waxaa keenay kadib marki Madaxweyne Zelensky ayaa sanadihii dambe go'aansaday inuu xoogga saaro in Ukraine ay xubin ka noqoto Midowga Yurub iyo gaashaan buurta NATO. Tallaabooyinkaas ayaa ka caraysiiyay Madaxweyne Putin  

Putin oo shacabka dalkiisa la hadlay ayaa sheegay in Ukraine aanay weligeed noqon qaran dhab ah, isagoo madaxda dalkaas ku eedeeyay musuq-maasuq. Saacado kadibna ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay gudaha gobollada Ukraine oo ay ku jirta caasimada Kiiv.

Waxaa jira warar sheegaya in weerarka lagu beegsaday saldhigyo mliateri oo ku yaal guud ahaan dalkaasi, halka koloyooyinka Ruushkana ay dalkaasi ka galayaan dhammaan dhinacyada oo dhan.

Xilli Ukraine ay wajahayso marxaladdii ugu adkeyd tan iyo burburkii Midowgii Soofiyeet, ayaa caalamku waxa uu indhaha ku hayaa hogaaminta Madaxweyne Volodymyr Zelensky ee xaaladdan halista ah .. Zelensky ayaa dalka Ukraine uga soo caan baxay majaajilo telefishin ka bixi jirtay oo lagu magacaabi jiray servant of the people, isagoo metali jiray inuu yahay madaxweyne.

Bishii April 2019 ayaa loo doortay madaxtinnimada dalkiisa, isagoo ka guulaystay Madaxweynihii talada hayay, Petro Poroshenko. Zelensky ayaa hadda waxa uu hogaamiye u yahay 44 milyan oo shacab ah, kuwaas oo wajahaya khatar uga imanaysa milateriga Ruushka.

Zelenski waxa uu taageero buuxda weydiistay dalalka Galbeedka, isagoo dhanka kale ku baaqay in aan la argagax gelin shacab weynaha oo aan laga badbadin wararka ku saabsan xiisadda.

Khudbad muuqaal ah oo baahisay warbaahinta Ukreyn ayey ku sheegtay in Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky lagu soo waramayaa inuu yiri "cadowgu wuxuu ii magacaabay bartilmaameedka koowaad, qoyskaygana waxa uu ku magacaaban yahay lambarka labaad" sidaa darteedana u weli ku sugan-yahay Dalka gudihiisa meel ka mida laakiin waxaa la soo warinaaya inu ku sii jeedo xagaa iyo xuduuda dalka Boland ee ay ku qulqulayaan qaxootiga Ukrain .. waxaa mar laga wariyey inu yiri Fadhi nooma yaal carar mooye .. maxaa yeelay meeshu galaba waa lagu farasaaraya 

Qaar kamid ah waddamada Galbeedka oo ka falcelinaya tallaabadaas ayaa cunaqabateyno kala duwan ku soo rogay Ruushka, gaar ahaan bangiyada iyo tujaarta waddankaas.