Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 26 November 2024

Taajirki Aduunka Oo Gabow Darti Dhabarka Soo Gaabtay .. Maal-qabeenka Jeef Bezoz Oo Doonaaya Inu Lacagtiisa Ku Baajiyo Geeri Ku Timaada

Wednesday - Feb 23, 2022



Aasaasaha shirkada Amazon Jeff Bezoz oo ku bilawday warwar oo u ka qabo Gabowga iyo duruuftiisa gaar ahaan dhinaca cafimaadka iyo waliba muuqaalka gabowga, haddana cimri ahaan waagiisa tirinaaya Sidetanaad iyo in ka badan ayaa Maal galinaya cilmi-baaris cusub oo ku saabsan in Aadamuhu noolaan karo gabow la’aan mudo dheer amase daawo la isaga caabiyo Duqnimada

Shey-baarka Altos-Labs ayaa ka shaqeyn doona in uu ogaado sida loo beddelo geedi-socodka Gabowga ee biniaadamka .. Tani ma aha markii ugu horeysay ee ninkan uu maal giliyo cilimi-baaris noocan oo kale ah, sida muuqata Taajirka Jeff Bezo ma rabo in uu Gabowboo amase la arko isago araxda tiirkeeda talaabo tiigsiga la dhaqaaqi la' 

Shey-baarkan oo meesha u ku yaalo qarsoodi ah ayaa waxaa uu shaqaaleysiinaya aqoon-yahanno kuwaas oo baaraya sida unugyadu u da’aan iyo waxa la samayn karo si loo yareeyo habka Gabowga si ay unugyadeenu wakhti dheer usii jiro .. Saynis-yahanada ayaa waxaa ay qaadanayaan $1 Milyan oo mushahar sanadle ah.

Hadii arintan lagu guuleysto, waxaa uu surogal noqon doonta in biniaadamka uu daawo u helo gabowga ama duqnimadda.

Waa run in aan maal, aqoon iyo nolol barwaaqo midina aanu qofka u dammaanad qaadi karin in uu abidkii haysto muuqaalka dhalinyaronimo, oo mar kasta oo uu gu’ u kordhaba sii guuraya.