Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 26 November 2024

Waa Macallinka Sidu Ka Yiraahdo Dalka Ha U Socdo Bey U Dhaqaaqdaa .. Fahad Yaasiin Oo Sida Libaaxa Duur-galka Ahaa Oo Xildhibaan Loo Doortay .. Fahad Oo Mar Kale Raadinaya M/weyne U Qol Madow Ku Xirto

Sunday - Feb 20, 2022



Warba Waa Kan Dambeeya .. Waxaa maanta Baladweyne lagu doortay Fahad Yaasin Xaaji Daahir, hasa-ahaate guddiga doorashada ay ugu yeereen Fahad Daahir Axmed, kaaso dad badan ay uga shakiyeen inu haysto Baasabuur shisheeye oo ku shaabadeysan magacaas dambe

Fahad waxa uu heley 70 cod, halka musharax Axmed Dayib Axmed uu heley 24 cod, 3 codna ay halaabeen sida uu shaaciyay guddiga doorashada Hirshabeelle oo sidaas ayaa Fahad ku noqday Xildhibaan Fedaaraalka ah .. Meeshii lagu dooranayay Fahad ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah.

Kursiga tirsigiisu yahay 086 waxa horey ugu fadhiyay Faarax Cabdiqaadir oo aan illaa iyo hadda warbaahinta la hadlin, tartankana aanan ka qeybgalin, waxaana la sheegaya inu baaris caafimaad u joogo cariga Hindiya

Mar sii horeysey, war lagu faafiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in guddiga doorashada heer federaal ay hakiyeen kursiga 086 ee Fahad loo doortay maanta, laakiin Ragi hawshaas ka dambeeyey wey ku fashaleen .. Waxaa kale oo maalmahan jirey isqabqabsi u dhaxeeya guddiyada heerarka kala duwan oo ku saabsan kursigan.

Fahad Yaasin, waxaa lagu tilmaama Nin aan waayo aragnimo lahayen oo dawladnimadi somaliya albaabada u laabay, balse caqli badan oo injineer ku ah sida loo soo malmaluuqo Madaxweyne isagu si gaara uga shaqeysto , oo horay wuxuu ahaa ninki ka dambeyey sababihi u ku yimid madaxweyne Xasan Shiikh, hasa ahaate ay isku khilaafeen magaacaabidi Raiisal Wasaare oo fahad markaas doonaayey in loo magacaabo Maxamed Farmaajo laakiin u ka goys qabsaday Xasan Shiikh, ugu dambeystiina wuxuu u ololeeyey inu soo saaro Maxamed Farmaajo oo maanta ah madaxweynaha Somaliya.

Warar xuuraan oo la xaqiijinaayo ayaa carbaabaya in Fahad hawlgal ugu jiro sidi u madaxweyne aan ahayen Farmaajo oo ka soo jeeda beesha Hawiye u doonaayo inu markaan mid maqaar-aar u ah soo malmaluuqdo, kaaso amarkiisa ku soco-doona .. Fahad waxaa xaqiiqa inu Farmaajo ka tala baxay oo u rabo inu dibada u tuuro sidi guuf Timira ka dhamaatay