Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 26 November 2024

Qalbigeygu Wuxuu La Ooyey Shimbiraha Soo Booqday Xabaashi Ninki Quudin-Jiray .. Nin Somali ah Oo Meydkiisa Ay Shimbiro Qabriga U Raaceen

Friday - Feb 18, 2022




Khaalid Cabdiqaadir oo ku sugan magaalada Hargeysa waxa uu xanaaneeyaa Shimbiro faro badan oo uu aabihii ka dhaxlay, balse sheekada ku saabsan qoyskan way ka duwan tahay quudinta shimbiraha oo kaliya.

Wareysi uu Khaalid siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in isaga iyo walaalihiis ay isla soo koreen shimbirahan, xiriirka ka dhaxeeyana uusan ku ekeyn kaliya mid samafal ah balse ay wadaagaan saaxiib-tinnimo iyo aqoon aad u qota dheer.

Khaalid waxa uu sheegay in qoyskiisa ay quudinta shimbiraha soo wadeen muddo ku dhow 20 sano, ilaa haddana ay sii wadaan, oo yiri “Aabahay baa billaabay, markii uu qadarka ku yimid ee uu geeriyoonayay ayuu dardaaran ka tagay. Waxa uu nagula dardaarmay in shimbirahaas aan quudinno oo quudintooduna ay ahaato mid xiriir ah oo aan la joojinin,” ayuu yidhi Khaalid.

Wiilkan ayaa sidoo kale sheegay in hadda uu kharash badan oo joogto ah ku baxo quudinta xayawaankan, wuxuu yii “Markii ugu horreysay waxaa lagu billaabay wax ka yar hal kiilo balse hadda waxay maalin walba cunaan ku dhawaad 30 kiilo oo galley ah. Sida bani’aadanka oo kale ayay saddex waqti wax u cunaan,” 

Arrinta layaabka lehse waxa ay dhacday markii uu geeriyooday Khaalid aabihii, oo ahaa saaxiibkii ugu horreeyay ee shimbiraha korinayay .. Wiilkan waxa uu sheegay in markii ay dadku soo aasayeen meydka aabihii ay raaceen shimbiraha oo la tagay ilaa qabriga.

Khaalid oo dhacdadaas ka sheekeynaya ayaa yiri: “Maalintii Alle ha u naxariistee uu dhintay marxuumku, waxaan arkay dadkii iyo shimbirihii oo si wadajir ah ula socda meydka. Waxay ahayd waxyaabaha iigu yaabka badan ee aan lasoo kulmay, waana arrinta i dareensiisay in uusan kaligey iga dhimanin ee uu bulsho dhan ka dhintay.”

Wuxuu hadalkiisi si raaciyey oo yiri "Markii aan arkay shimbirihii oo dul taagan xabaashii, waxay noqotay wax-yaabaha iigu dareenka badan ilaa hadda. Dadku intooda badan waxay igu soo celceliyaa in sidaasoo kale ay xabaasheena u soo dul istaagi doonaan haddii aan si fiican u xannaaneyno" waxaana intaa si dheer ayuu yiri: in shimbirahan ay ilaa hadda booqdaan qabriga Cabdiqaadir.

Khaalid wuxuu warkiisi si raaciyey oo yiri “Mar walba oo aan xabaasha aabe tagno, sida maalmaha jimcada ah ee aan qabriga soo booqaneyno, shimbiruhuna way imaadaan, marka waxaan is dhahaa xilli kasta dareenkiinna ayaa isla shaqeynaya,” 

Waxa uu intaas ku daray inuu mar walba ku dadaalo sidii uu shimbirahan ugu xanaaneyn lahaa si kasii wanaagsan sidii uu aabihiis sameyn jiray.