Dhuxulaha Dabka U La Wareegaayo Oday Biiq .. R/W Rooble Oo Dalbaday In Dib Loo Dhigo Kursiga Uu U Tartamaayo Fahad Yaasiin
Tuesday - Feb 15, 2022
Warar la isla dhex-maraayo ayaa sheegaya in Raiisal Wasaare Rooble u baryahaan-ba dambe geed sare iyo mid hoose u fuulay sidi u Fahad Yaasiin doorashadiisa xubinta Baarlamaanka ku cadaadin-lahaa, taaso aan la ogeyn sida iyo qaabka u ku hirgalin-doono oo qaar dadka ay leeyihiin Rooble arintaa uma shaqeyn-doonto, balse qaar ay si kale u leeyihiin Fahad waa keeb la yuurar oo inti tabartiisa waa is difaacaya
Wararku wuxuu sheegaya in Raiisal Wasaare Rooble u dhawr jeer qorshihiisaas kala hadlay Madaxweynaha Hir-shabeelle Guud-laawe, laakiin labada dhinac la iskuma afgaran oo waxaa si adag uga gaabsaday Guudlaawe oo yiri: aniga halganka Kursi u dirarkas dhex-dhexaad ayaan ka ahay oo ma rabo inaan cidna eed ka galo , hasa ahaate Rooble ayaa markaan dhinaca kale qorshihiisi u wareejiyey oo ku amray inu gudoomiyaha Guddiga Doorashada u hakad galiyo Kursiga u tartanka ugu jiro Fahad Yaasiin, waxaana la sheegaya in gudoomiyaha Guddiga doorashada u arinkaa go'aan qaadashadiisa ka fakaraayo, waxayse u badantahay haddi aan la helin sabab hakadka lagu galin-karo la didi-doono
ILaahay bulsho ma badalo illa ay iyagu naftooda badalaan .. Doorashada Soomaaliya ayaa maraysa meel xasaasi ah oo laga deyrinaayo, maxaa yeelay Dhar-dhaarada oo la kala badalo tayada maraqa waxba kama badasho iyadoo xubnaha cusub ee Golaha Shacabka ay kamid yihiin saraakiil Ciidan aan u tababareyn siyaasada iyo kuwo ka tirsan sirdoon ku sheega habawga ah ee Soomaaliya.