Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 15 January 2025

Waa Iga Qosliyey .. Yaradki La Soo ILaaway

Saturday - Feb 12, 2022




Waa maalin Sabti ah, waxa  jiray wiil dhallinyaro ah oo loo doonaaye Gabar, dabadeed sii dhaqanku ahaa markii labadii qoys isa soo hor fariisteen ee inantii la is waydiistay ayaa odaygii hayay lacagtii yaradku xasuustay in uu lacagtii oo bushqad ku xiran uu ku soo illaaway meheradiisii.

Naxdin waynaa!!!, Waxa la siku dayay in arinta la xalliyo. Oday ka mid ah raga ugu aftahansan ayaa la yiri Oday 'Kaftan bilow' .. Ninkii yaradka soo ilaaway ayaa la weydiiyey in uu lacag ZAAD-ka ku hayo. Nasiib-wanaag, wuu hayay. Oday kale ayaa istagay oo yiri: "Annaggu waxa aannu la jaan-qaadnay jiilka  cusub, yaradkii waxa aannu ku sidnaa ZAAD ee Yaan u dirnaa?

Raggii goobta isugu yimi hal mar ayay qosol jaanta wareen. Laakiin naxdinta ka sii wayni waxa ay dhacday markii ninkii yaradka dirayay numberkii Soddoga khalday, wuxuuse dareemay in wax khaldan yihiin .. laakiin nasiib-wanaag, dadku waxa ay ku mashquulsan yihiin kaftankii. dabadeed intu kacay ayaa ninkii lacagta dirayay waydiiyay in uu hubiyo qofka uu lacagta u diray, waaba magac gabar! Aad ayuu mar labaad u naxay, haddana waxuu waydiiyay in lacag kale ugu jirto, nasiib-wanaag, way ugu jirtay, Nambarkii saxda ahaa ee soddoga oo la hayay ayaa loo sheegay, kadib, isaga oo naxsan ayuu diray. kadib isagiina qoladii ZAAD-ka ayuu la hadlay oo lacagtii waa la xanibnay si loo hubiyo sababta.

Wiilkii meherkiisa ay dhacdadaasi ka dhacday oo saddex carruur ah hadda leh ayaa sheekadaas nagu casuumay .. Akhriste maxaa kaga baxay?