Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 22 January 2025

Jimcadu Waxay Ka Mid Tahay Xiliyadu Samadu Furan-tahay Oo Haddu Adoonku Duceysto ILaahay Ka Aqbalaayo .. Fadliga Ay Leedahay Maalinta Jimcaha

Thursday - Feb 10, 2022




Malinta Jimcaha ayaa waxaa ay ka mid tahay maalmaha uu ilaaheey ka fadilay maalmaha kale waxaana ay leedahay fadaail aysan laheyn maalmaha kale .. Maalinta JImcaha ayaa ah ciid ka mid ah ciidaha ay leeyihiin Muslimiinta, waxaa uuna ilaaheey ka fadilay maalintaani qiimaha badani maalmaha oo dhan .

Maalinta Jimcaha ayaa ah Maalintii la abuuray Aabaha basharka ee nabi Adam (cs) sidaasi darteed ilaaheey wuxuu uga dhigay Muslimiinta Ciid, sidoo kale maalinta Jimcaha ayaa ah maalin ay qiimeeyaan umada muslimiinta , waxaa uunna Rasuulkeenii Muxamed Naxriis iyo Nabad galyo Korkiisa Ha ahaatee ku tilmaamay maalintaani an ay tahay maalinta ugu fadliga badan ee maalmaha isbuuca uu ka kooban-yahay.

Maalinta Jimaha ayaa waxaa ay leedahay sunooyiin uu Rasuulkeeynii Suneeyay waxaana ka mid ah , In Maalinta jimcaha La aqriyo Suuratul Kahfi , waxaa uu yiri Nabi Muxamed (NNKH) qofkii aqriya Suuratul kahfi maalinta Jimcaha waxaa ay u noqoneeysaa Nuur ilaa iyo jumcada kale ama inta u dhaxeysa labada Jumco.

Maalinta Jimcaha ayaa sidoo  ku jirta saacad uu ilaaheey (SW) ka ajiibaayo qofkii duceysta Saacaadaas, Maalinta jimcaha ayaa sidoo kale la suneeyaa in  labidiyo Salliga Rasuulka.

Maalinta Jimcaha ayaa ah Maalin Fadli badan Faligeedii oo dhan ayaan halkaan lagu soo koobi-karin