Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 26 November 2024

Caruurtaan Duceysneyn Waa Degal Xumaataaye .. Qisadi Nabi Isxaaq Iyo Lagdanki Labadiisa Wiil Ay Ducada Aabahood Isaga Xadeen .. Keebey Sida Roobka Ducadi Ugu Daroortay

Saturday - Feb 5, 2022



Nabi Isxaaq CS oo ah wiilkii labaad ee ibraahim CSW u dhalay .. Alle wuxuu ku ammaanay Nabi isxaaq meelo kala duwan Quraanka kariimka ah, laakiinse uma badna xusida Qisooyinkiisa sida Ambiyada kale .. laakiin wiilasha uu dhalay iyo isagaba ayaa si taxan u noqday Gobta ambiyada wanaagsan ee is dhashay

Xadiiska Abuu Hureyrah ka soo wariyey In Nabigu SCW Yiri: "Kan Wanaagsani ee Kariimka Ahi "Gobta Ahi" Uu Dhalay Midka Wanaagsani Ee Kariimka ah"Gobta Ah" Uu Dhalay Midka Wanaagsani Ee Kariimka Ah u Dhalay Midka Wanaagsani ee Kariimka Ah Waa Yuusuf Bin Yacuuqb Bin Isxaaq, Bin Ibraahim" micnaha sidaad u garato waa Afar Nabi oo is dhashay

Markii uu Isxaaq u dhashay Ibraahim Boqol jir ayuu ahaa, hooyadiina Saara ay jirtay Sagaashan sano. waqtigaas walaalkii Ismaaciil wuxuu jiray Sedex iyo toban sano .. waxaa la sheegay in markii uu Isxaaq guursanaayey Rifqa uu jiray Afartan sano, aabihina ibraahimna noolaa.
Isxaaq waxay ahayd xaaskiisa ma dhaleys, markaasuu u baryey ilaahay. waxay qaaday uur oo dhashay laba wiil oo mataano ah. magaca wiilka hore waxaa loo bixiyey Ciisow, waxaana ka soo jeeda dadka cadaanka ah ee loo yaqaan Roomaanka.wiilkii labaad waxaa loo bixiyey Yacquub oo ay reer bani Israaiil ka soo jeedaan.

Waxaa la sheegay in Nabi isxaaq uu jeclaa wiilkiisa Ciisow wax ka badan jaceylkiisaYacquub waayo wuxuu ahaa curadkiisii. halka hooyada Rifqah ee dhashay labada wiil ay jecleyd Yacquub in ka badan walaalki waayo wuxuu ahaa labada kan yar.

Waxaa sido kale la sheegay in markii u Nabi isxaaq gaboobay uu aragiisii daciifay. wuxuu ka codsaday cunto wanaagsan oo dhadhan leh wiilkiisi Cisow, wuxuu ka codsaday inuu baxo oo u soo ugaaro . si markaas uu isxaaq u barakeeyo oo Alle uga baryo barako iyo kheyr .. Ciisow wuxuu ahaa ugaar yahan, markaasu baxay si uu ugu soo ugaaro, hasa yeeshe hooyo Rifqah baa dibada ka dhageysaneysay warka dhex maray isxaaq iyo wiilkiisa Ciisow oo dabeeto arinka u sheegtay Yacquub waxa uu aabihi ka dalbay Ciisow.

Markaasa Yacquub tagey, oo soo bixiyey Ri' shilis buuran ah oo da' yar oo inta gawracay u keenay hooyadi, waxayna u diyaarisay sida uu doonaayey Aabihi. Markaasay Hooyadi Rifqah soo qaaday dharkii ugu wanaagsanaa ee Ciisow oo u galisay Yacquub.

Ciisow wuxuu xaga oogada ku lahaa timo badan, Yacquubna wuxuu lahaa jir aan timo lahayn oo caadi ah, markaasuu wuxuu ku daboolay jirkiisa iyo xaga luquntiisa Harag Ari. markii uu Yacquub u keenay raashinka aabihi, wuxuu weydiiyey: waa kuma Adiga? wuxuu yiri waa wiilkaagi. markaasu ka codsaday inu soo dhawaado oo taabtay oo yiri: codka waa codkii Yacquub, laakiin gacmaha waa gacmihii Ciisow . Markii uu cunay raashinka, waa uu duceeyey, inuu ahaado midka u sharafta badan walaalihi dhexdooda iyo in xukunka iyo awoodiisa gaarto dhamaan ummadaha, oo la siiyo Risiq iyo kheyr badan .

Markii uu Yaacquub ka tegay kadib markii uu u duceeyey oo barakeeyey, Ciisow baa wuxuu ka yimid ugaarsigi, wuxuuna u diyaariyey raashin wanaagsan oo dhadhan leh oo u keenay aabihi .. aabihi baa weydiiyey waa maxay waxa-kani maandhow? Ciisow wuxuu yiri: waa raashinkii aad iga dalabtay oo dooneysey .. Isxaaq wuxuu yiri: Sow iima aadan keenin wax yar ka hor raashin oo cunin oo kugu duceyn barako badan, taran iyo tanaad .. Ciisow wuxuu yiri Walaahay aniga ma ahayn. .. markaasu ogaaday inuu walaalkii khaaimay oo qaatay ducadi aabihi .. Ciisow wuxuu markaa cuqdad u qaaday walaalki oo ku handaday inu dilaayo haddi u aabahood dhinto .. Ciisow wuxuu ka dalbay aabihiis duco kale, markaasuu wuxuu ugu duceeyey duco kale in Ubadkiisa ay ahaadaan kuwa dhaxla dhulka wanaagsan, iyo in la siiyo risiq iyo miro badan .. dabeeto markii ay hooyo Rifqah maqashay hadadaada Ciisow uu hadaday Yacquub, waxay ka dalabtay Yacquub inuu isla markiiba tago oo aado Abtigi Laabaan oo ku Nool Xaraan( hadda falstiin) oo la joogo inta ka caro ba'ayo walaalkii.

Yacquub wuxuu yimid halkii abtiigis joogay .. abtiguna wuxuu lahaa laba gabdhood, tan weyn waxaa la oran jiray Liya, tan yarna magaceeda wuxuu ahaa Raaxiil .. markaasu ka dalbay Abtigiis inu siiyo tan yar quruxda badan il qaadka leh oo ah Raaxiil., waa ka ogolaaday laakiin wuxuu ku xiray inu u shaqeeyo todobo sano, waana ka soo baxay Yacquub shardigaas oo mudadi loo qabtay dhamaatay, gabadhiina waa loo aqal  geeyey, habeenkii markii u la seexday wuxuu arkay gabadhi u abtigi ka dalbaday ineysan ahayn, balse ay tahay walaasheed oo la yiraahdo Liyaa .. Liyaa arageeda wuxuu ahaa daciif umana quruxsaneyn sida Raaxiil, laakiin markii u abtiga uga cawday sida wax laysu weydaarshay .. abtiigi wxuu ugu jawaabay: ma aha caadadeena inaan u bixino gabar yar guur ahaan iyadoo tii weyneyd joogta, haddi aad dooneyso, Raaxiil waa inaad shaqeysaa todobo sano oo kale .. Yaacquub waa yeelay oo shaqadi ballanta dhameystay markaas ayaa loo guuriyey gabdhi Raaxiil.

Yacquub Wuxuu dhalay laba iyo toban wiil .. gabadhi weyneyd ee Liyaa waxay u dhashay lix wiil oo ah kuwi Yuusuf Ceelka ku riday .. Raaxiil waxay u dhashay Yuusuf iyo Binyaamiin .. Adoonti loo hibeeyey Yacquub oo ahaa laba hablood waxay iyagana u dhaleen min hal wiil .. Ugu dambeysti Yacquub wuxuu u yimid aabihiis isxaaq oo kula noola magaalada Xibroon ee ku taal arlada Kancaan ( falastiin) uu daganaa Ibraahim,. dabeeto waxaa bukooday Isxaaq oo dhintay isagoo boqol iyo sideetan jir ah, waxaana aasay labadiisi wiil Ciisow iyo Yacquub, waxay iskula meel aaseen Abihii Ibraahim Al- kaliil CS.