Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 15 January 2025

Daljirka La Dulmiyey Ee Codkiisa Ku Caawini-jiray Dadka Danyarta Ah .. Maxkamada Hargeysa Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Cabdi-Maalik Wax Dambi Ah Lagu Waayey

Thursday - Feb 3, 2022



Hargeysa- Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah ugu dhawaaqday in Cabdi-Maalik Coldoon lagu waayey wax dambi ah, waxayna amartay in laga sii daayo xabsiga, hasa yeeshe Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa dhanka kale la sheegay inay rafcaan ka qaadatay go’aanka ka soo baxay maxkamadda Hargeysa ee lagu sii daayey Wariyaha.

Go’aanka sii deynta ee Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa waxaa si diiran u soo dhoweeyey ehelladiisa iyo bulshada Soomaaliyeed oo aad uga hadal haya baraha bulshada.

Coldoon oo xabsiga loo taxaabay taariikhdu markay aheyd 23/08/2021-kii, ayaa loo soo jeediyey eedeymo culus, sida dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.

Sidoo kale eedeymaha kale ee loo soo jeediyey waxaa ka mid ah inuu warbixino liddi ku ah ka qoray Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, doodaas oo meel sare gaartay.

Abdilmalik Musa Coldoon waa weriye Sama-fale ah, kaasoo codkiisa ku caawin jiray dadka dan-yarta ah, wuxuu dhaqaale u uruurin jiray dad la daalaa-dhacaya dhibaatooyinka nolosha iyo kuwo xanuun-san, Qaar nolosha ka quustay ayuu noloshooda wax badan ka badalay , qaar dhimirka la'aa oo silsilado ku xidhan ayuu guryo u dhisay, qaar la dulmiyey oo xabsiyo ku xidhan ayuu codkooda caalamka gaarsiiyey .. Qofka intaas oo wanaag ah bulshada u qabtay waxaa loogu abaal guday xabsi joogto ah, iyo eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn! waxaana la xiray tiro shan jeer