Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 15 January 2025

Dibnaha La Kala Haysto Iyo Dibin La Ruugaayo .. Tiic-Tiicda Beesha Hawiye Oo Ka Walaacsan Laba Madaxweyne Daarood Oo Is Ku Xig-Xigta Iyo Gaar Ahaan Tartanka Dani Iyo Soo Laabashada Farmajo

Sunday - January 30, 2022




Mogdisho- Waxaa la xaqiijinaya in bulshada Hawiye ee magaalada Mogdisho iyo siiba kuwa gobolada dhexe u ka jiro dareen iyo walaac weyn oo la xariira diidmo lagu mujinaayo in xiligaan doorashada u ku soo boodo shakhsi aan Hawiye ahayen gaar ahaan u ku soo laabto Villada Maxame Farmaajo amse Nin kale oo daarood ah si gaadmo ah kursigaas ku helo sida Saciid Dani oo illa hadda aan is-diwaan galin kuna dhawaaqin tartanka, balse damacaas kursi-doonka u talo jilbaha u laabtay
 
Dadka laga xigtay warbixntaan oo u badan Oday dhaqameedyo beeshaas Hawiye, waxay sheegeen iney jiraan sababo macquul ah oo muujinaya walaaca laga qabo madaxweyni-nimada inu markaan xilka la wareego shakhsi aan hawiye ahayen, sababtuna waa:

1- Sababtaas ay sheegayaan, waxaa ka mida Hawiye badan ayaa maanta ka qoomameeya doorashadii Moxamed Cabdullaahi Farmaajo sababta oo ah intuu xukunka hayay waxaa uu Beesha Hawiye ka dhigtay bartil-maameed oo ka galay dembiyo iyo xad-gudubyo ka soo horjeeda Xuquuql Insaanka taas oo ay ugu wacnayd heshiis la’aanta iyo cadaawad qabiil oo weli la isku qabo .. Waxay dhaheen: Haddii aanu Hawiyuhu lahaan lahayn cutubyo militari xoog leh oo u gaar ah, Farmaajo waxaa uu u geysan-lahaa dembiyo ka waaweyn kuwa uu hadda geystay, sidaa daraadeed ayey yiraahdeen, waxaa weli Somalia ka maqan kalsooni iyo is-aaminid taas oo uu dabka ku sii qabtay ama uga daray Moxamed Cabdullahi Farmaajo dembiyada iyo xad-gudubyada uu ka galay Beesha Hawiye awgeed. 

2-  Waa sida ay yiraahdeene, Arrintaasu waxay keeni-kartaa inaan Hawiyuhu marnaba aqbalin laba madaxweyne oo is-xigta oo Daarood ah maa daama uu Farmaajo geystay dhibaatooyin ku salaysan nacayb Hawiye oo xaaladda Somalia ka taagan maanta awgeed siiba magaalo-madaxda Muqdisho waxay u muuqataa in madaxweyne Hawiye ah oo qura uu wax ka qaban-karo kana hortegi-karo qalalaase siyaasadeed sababta oo ah waa Beesha ugu weyn una badan magaalada Muqdisho.

3- Waxay kalo sabab ka dhigteen oo ay aainsan-yihiin in madaxweyna-yaasha ka soo baxa Beesha Daaroodka ay sida qaalibka ah u janjeeraan keli-talisnimo taas oo keentay dagaalada sokeeye ee aan dhamaan iyo fashilidda dawladnimada Somalia oo Dadku waxay weli xusuusan-yihiin keli-taliye Moxamed Siyaad Barre oo afgembiyay dawladdii diimoqaraadiga ahayd ee Somalia dalkana gacan bir ah ku xukumayay muddo 21 sano, halka ay wali xasuustooda ku dareen Kornayl Cabdullaahi Yussuf Ahmed oo loo doortay madaxweynaha Somalia 2004 oo isna rabey kali-taliye sidii Siyaad Bare ayaa ku weeraray magaalo-madaxda Muqdisho ee Somalia ciidamada Itoobiya 2007, dabadeena beesha caalamka iyo dadka Hawiyaha ku qasbeebeen 2008 inu xukunka ka dego 

4- Hawiye, Waxay ku doodayaan, in General Siyaad Barre, Kornayl Cabdullaahi Yussuf iyo Mohamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu canaanto keli-talisnimo arxan-daran oo Somalia soo martay waxay ka wada tirsanyihiin qabiilka Daaroodka waana sababta keentay inaan Hawiyuhu aaminin madaxweyna-nimada Daarood sida Saciid Cabdullaahi Deni iyo Farmaajo oo iyagaa la qabiil ah. 

5- Waxay ku andacoonayaan, Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, waxaa gobolkiisa ka taagan iska horimaad hubaysan oo aan weli la xalin. Qaar ka mid ah saraakiishii hore ee Puntland waxay Saciid Deni ku eedaynayaan inuu boob ku hayo doorashada xubnaha baarlamaanka ee Puntland si uu ugu soo baxo tartanka madaxweyna-nimada ee Somalia. Arrimahaasu waxay shaki ka muujinayaan daacadnimada iyo xallinta dhibaatooyinka ee Saciid Deni oo ka qaban-karo geyiga somaliya

 Dhinaca kale, Sababta Reer Mogdisho u diidan-yihiin soo laabashada Farmaajo, waxay doodooda ku saleynayaan in Farmaajo wuxuu xoog ciidan ku bedalay madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug isaga oo adeegsanaya ciidamada Itoobiya waxaanu ku laayay kuna dhaawacay dad shacab ah kuna bedalay laba nin oo Farmaajo u ah daacad .. isla markaa Hay’adda Sirta Somalia ee loo yaqaan "NISA” madaxna uu u ka yahay Fahad Yaasiin waxaa lagu eedaynayaa dil siyaasadeed iyo waayid dad caan ah oo iskugu jira saraakiil dawladeed (Rayid iyo ciidanba) oo mucaarad ku ahaa xukunka Farmaajo, Waxaa kale oo lagu eedaynayaan inay ka dambeeyaan qaraxyo is-midaaamin ah oo shacab badan ku dhinteen si dadka loogu sandulleeyo xukunka keli-talisnimada ah  .. Waa sida ay sheegeene Farmaajo waxaa uu beelaha dega Muqdisho iyo Gobollada Dhexe ee Somalia ka xushay dad ku wanaagsan midiidnimada iyo dhallinyaro loo lulay maanka derajada oo loo adeegsado cabburinta iyo laynta dadkooda si ay u difaacaan xukunka keli-talisnimada qabiilka ee Farmaajo madaxa u yahay.

 waxay kalo xusayaan in Farmaajo xilliga madaxweyne-nimadiisu dhammaatay February 8, 2021 haddana isaga oo aan wax waqti ah loo kordhin ayuu si sharci-darro ah u dhex-fadhiyaa Villa Somalia oo Kursiga ku dhegan-yahay si uu u noqdo keli-taliye .. Farmajo waxaa u sabab u noqongaaray dagaal sokeeye oo ka qarxa Muqdisho ..  Bishii April 25, 2021 markii uu isku dayay inuu samaysto muddo kordhin 2 sano oo sharci-darro ah taas oo ay fashiliyeen kana hortageen Ciidanka Badbaado Qaran ee hawiyu lahaayen

Waxay kalo sheegeen in Dembiyada Farmaajo lagu eedaynayo waxaa kale oo ka mid ah inuu dagaalka Waqooyiga Itoobiya u diray ilaa 10,000 oo ahayd dhallinyaro Somaliyeed oo si qarsoodi ah tababar ciidan loogu diray dalka Eritariya halkaas oo la sheegay inay shacabka Tigreega ka galeen dembiyo ka horjeeda xuquuqda Aadanaha isaga oo Farmaajo taageeraya Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki. 

Abiy Axmed, Isaias Afwerki iyo Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa si qarsoodi ah u wada aasaasay 2018 wax lagu magacaabo: "Isbahaysiga Milatariga Geeska Afrika” si loo abuuro "Keli-talisnimo-Seddex-Gees ah ee Geeska Afrika” (Itoobiya, Somalia iyo Eritrea) iyada oo lagu soo gabanayo wax aan jirin oo khiyaamo ku salaysan laguna magacaabo "Is-Dhexgalka Geeska Afrika” iyada oo arrintaas macallin uu ka ahaa keli-taliye Afwerki, dabadana ay ka riixaysay dal Reer Bari ah oo awood leh. Hadafka iyo ujeedada Isbahaysiga Milatari wuxuu ahaa in si wadajir ah loo burburiyo kacdoon kasta oo ka dhasha mid ka mid ah seddexda wadan oo ka soo horjeeda keli-talisnimada waana sababta si wadajir ah loogu duulay ee loo xasuuqay loona burburiyay Gobolka Tigreega ee Itoobiya.

 Warar la hubo oo laga soo xigtay Sirdoonka Reer Galbeedka waxay sheegeen in haddii lagu guulaysanlahaa dagaalka Tigreega ay xigi-lahaayeen Somaliland iyo Garoowe, Muqdisho iyo Kismaayo oo ka tirsan Somalia. Waxaa heshiiskaas Seddex-geeska Sharka ah ku duugnaa sir dhagareed gaar u ahayd Abiy Axmed oo ahayd inuu Isbahaysiga Milatariga ku qabsado dekadaha Somalia iyo Somaliland .. sida ay ku doodayaan, Jabka ku dhacay isbahaysiga Seddex-geeska-Sharka ahaa ee Geeska Afrika waxaa sii burburiyay oo curyaamiyay cuna-qabataynta dhaqaale iyo milatari ee ay Reer Galbeedku la beegsadeen shirqoolkaas dembiilaha ahaa. Waxaa la aaminsanyahay in falkasta oo qaldan oo Farmaajo ku kaco kuna maamulo Somalia ay ka dambeeyaan Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki.

Dhinaca kale, Farmaajo iyo Fahad Yaasiin waa ogyihiin inay dadka, dalka iyo dawlad-nimada ka galeen dembiyo culus oo badan, markaas si aan dembiyadaas loogu qaadin waxay go’aansadeen inay xoog ku haystaan Villa Somalia, doorashadana boobaan iyagoo u arka inay tahay sida keliya ee ay uga bad-baadiyaan dembiyada ay galeen. 

Waxay dhaheen, Maalintuu Farmaajo yiri: Aniga iyo Siyaad Barre madaxweyne nooma dhaxayn ayuu cadaystay inuu horseed u yahay keli-talisnimo qabiil oo dhagaraysan waana la arkay inta dhibaato ee uu u geystay dadka, dalka iyo dawlad-nimada, rajo dambana ummaddu kama qabto halis uu sii gasho mooyee. Farmaajo isaga oo aan ahayn madaxweyne ayuu ciidamada oo uu madax uga dhigo saraakiil beeshiisa ah u adeegsanayaa siyaasad si uu dalka xoog ugu xukumo, doorashadana u boob arrimahaas oo ka baxsan shaqada iyo waajibaadka ciidanka, sababi-karta dagaal-weyn oo sokeeye oo dalka ka dhaca si la iskaga badbaadsho ayey sheekaddooda ku soo gabagabeeyeen