Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 15 January 2025

Maalinti Uu Oohin La Baroortay Madaxweyne Butin .. Oo Muxuu La Ooyey

Friday - January 28, 2022



Valadmitr Butin, waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay ragga ugu kelya adag aduunka, waligiisna illa inta muqaalkiisa la arkaayey indhihiisa illin laguma arag, balse waxaa jirta maalin uu ooyay, maalintaas oo la yiri waxay ahayed maalin u ka qayb galay Aaski saaxiibki Anatoly Sobchak .. xiligaas oo uu Butin xilka maaxweyne wax yar hayey oo ahayeed sanadki 2000.

Ninkaan u Butin aaskiisa ku kor ooyey ee ah Anatoly Sobchak, wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qayb aatay soo afjaridi jiritaanki midoowgii Sofieytka ee shuuciga ahaa, waxayna aad saaxiibo u ahaayeen Vladamir Putin .. Ninkaas waxuu aad usoo gacan qabtay Putin isaga oo markaas ahaa sargaal darajadiisa ay hooseyso oo ka mid ah hay’addii sirdoonka Ruushka ee KGB, wuxuuna siiyay shaqadii ugu horeysay ee siyaasadeed .. Anatoly Sobchk iyo Valadmir Butin Waxay isu noqdeen Duq magaalo iyo ku xigeen magaalada ST. Petersbur oo horay waqtigi shuucyada la oran jiray Linin-garad

Anatoly Sobchak Lama oga sababta uu u qaatay go’aankaasi weyn ee u ku-xigggen Duq magaalo u uga dhigtay Butin .. Mid ka mid ah musharixiintii Putin kula tartamay doorashadii 2018 waxay ahayed gabar lagu magacaabo Ksenia Sobchak, oo uu dhalay ninkii uu dartiis u baroortay Putin ee Anatoly.

Gabadhaas isla sharaxday Butin waxay ay horey u ahaan jirtay wariya taleefishin ka hadasha, oo markii dambe isu badashay Mucaarad, balse ogolaanshaha in ay is sharaxdo waxa ay ka heshay dowladda u madax ka yahay Putin waana qaabka ay u shaqayso dimoqoraadiyadda Ruushka.

Aabaheed markii uu ahaa Duqa magaalada St Petersburg, wuxuu Putina ka dhigtay ku xigeenkiisa, kadibna waxaa dhacday in Mr. Sobchak lagu soo eedeyay musuqmaasuq, kadib Butin ayaa garab siiyay oo diyaarad gaar ah inta u kireeyay u direy dalka dibeddiisa .. Xiligaas waxaa Ruushka ka talinayay Bores Yelsin, wuxuu ahaa nin khamriyo cab ah, oo ay adagtahay in uu xitaa shaqo tago.

Markii uu Putin isu soo sharaxay xilka madaxweyne-nimada markii ugu horeysay, ayaa waxaa geeri lama filaan ah geeriyooday Anatoly, wuxuuna ku dhintay qolkii uu ka degenaa hotel ku yaala magaalada Kaliningrad.

Waxay dowladda sheegtay in uu wadnaha istaagay, balse baaritaan la sameeyay ayaa la waayay wax astaan oo muujinaysa arrinkaas, waxayna xaaskiisa Lyudmila Narusova sheegtay in ay aaminsantahay in ninkeeda la dilay.

Markii la joogay aaskiisa, Putin waa uu ooyay, ogoowna Putin ma ahan nin jili kara waxa uu samaynayo, mana ahan qof soo bandhiga shucuurtiisa meel fagaaro ah.

Waxaa markaas la is weeydiinayaa in uu la ooyay baroordiiq ama in uu dareemayay in uu dambi weyn ka galay saaxiibkiis soo gacan qabtay?.

Waxaa jira fikrada badan oo sheegaya in Sobchak la dilay, loona dilay sababo la xiriira Putin, balse waa uun shaki.