Dad badan waxa la qabadsiiyey in ay ku tasbiixsadaan gacanta midig, gacanta bidixna aanay bannaanayn, sidaa darteed ayaa qofka gacanta bidix ku tasbiixsada lagu yidhaa ma bannaana in lagu tasxbiixsado. Qormadani waxay iftiimin doontaa in gacanta bidix lagu tasbiixsan karo iyo in kale.
Iswaydiinta ma banaan tahay in lagu tasxbiixsado gacanta bidix waxa su’aal geliyey xadiiska Cabdillaahi Bin Cumar laga weriyey in uu yidhi, "Waxaan arkay Rasuulka NNKH, oo tasbiixsanaya.” Abi Daa’uud wuxu ku daray isaga oo ka soo xiganaya Maxamed Binu Qudaama oo ah sheekhiisii in uu yidhi, "Wuxuu ku tasbiixsanayey (Rasuulku) gacanta midig.” Intan dheeraadkii waa inta iswaydiinta sababta u ah, taas oo dad badan ka soo saareen in aan lagu tasbiixsan karin gacanta bidix.
Xadiiskan waxa soo weriyey dad badan, dhammaantood lagama hayo intaa midigta ku daraysa ee leh, "Wuxuu ku tasbiixsanayey (Rasuulku) gacanta midig.” Axaadiista qaar waxay sugayaan in Ibnu Cumar leeyahay: Wuxu ku tasbiixsan jiray gacmihiisa, taas oo culimo badan leeyihiin gacmaha la sheegayaa midig iyo bidixba weeyi oo gacan si gaar ah loo tilmaamay ma jirto. Axaadiista qaarkood waxay sheegayaan in uu tasbiixsan jiray uun oo midig iyo bidix midna may xusin.
Sheekh Cabdicasiis Aldariifi oo ka mid ah dadka wakhtiga geliyey mawduucan wuxu leeyahay: xadiiskan waxa soosaaray Tirmidi, Nisaa’I, Ibnu Maajah, Bukhaari, Bayhaqi, Ibnu Xibbaan, Cabdarasaaq, Ibnu Abi Shayba, Basaar. Dariiqa Caddaa Bin Saa’ib waa midka leh, "Waxaan arkay Rasuulka NNKH, oo tasbiixsanaya.” Warrintani waa midda laga wada siman yahay, dadkaa badan ee xadiiska wariyey kumay darin dheeraadka ah, "Wuxuu ku tasbiixsanayey (Rasuulku) gacanta midig.” Maxamed Binu Qudaama uun baa laga hayaa in uu ku daray dheeraadkaa, waana shad aan cid aan isaga ahayn laga hayn.”
Nebi Maxamed NNKH, si cad wuxu u sheegay in qiyaamaha laga hadashiin doono faraha. Rasuulku ma kala qaadin faraha laga hadashiin doonaa kuwa ay yihiin midig iyo bidix, laakiin wuxu sheegay faro uun, taasina waxay xujo u tahay in gacanta bidix lagu tasbiixsan karo oo qiyaamaha faraha laga hadashiinayo ay ku jiraan faraha gacanta bidix.
Maddarasadda ugu badan ee diidda in lagu tasbiixsado gacanta bidix waa maddarasadda Salafiyada, laakiin muftigoodii hore Ilaahay ha janneeyee Sheekh Cabdicasiis Ibnu Baas mar la waydiiyey in ay bannaan tahay in lagu tasxbiixsado gacanta bidix wuxu ku jawaabay, "Nebiga waxa ka sugan xadiis sheegaya in midigta oo lagu tasxiibxasadaa wanaagsan tahay, se haddii bidix lagu tasbiixsado ama midig iyo bidix la wada adeegsado waxba kuma jabna.”
Xarunta Fatwada Masar- Daaru Iftaa oo su’aashan la waydiiyey waxay fatwoodeen: in aanay dhib lahayn adeegsiga gacanta bidix, kol ujeeddadu hadday tahay tirinta tasbiixda oo faraha lagu tirsado.
Dooddeenani dedifayn mayso dheeraadka midigtu leedahay oo way sugaysa in midigtu dheeraad gooni ah leedahay oo waxaynu dhaqangelinaynaa xadiiska Caa’isha Alle haka raalli noqdee- in ay tidhi: nebigu waxa uu ahaa mid jeclaysta in uu midigta adeegsado marka uu kabaha xidhanayo, timaha feedhanayo iyo arrimihiisa oo dhan. Laakiin waxa dooddani tahay in aanay taasi sheegayn in gacanta bidix oo la adeegsadaa aanay dambi iyo dhib toona ahayn, in lagu tasxbiixsadana wanaag mooyee dhib aanay lahayn.
Waxaa Qoray Sh, Cabdirisaq X Rakuub