Xiligi Dagaalki Kowaad Sanadki 1918 iyo Marki ciidamadi ingiriiska ay galeen Magalada Qudus oo laga qabsaday Dawladi Turkiga Ee Cusmaaniyiinta ( Othma Empire) ee waqtigaas xukumeysay, waxaa hawshi ilaalinta Masjidka Al-aqsa halkeedi ka si waday ila 1982 dhawr askari oo Turki ah kuwaaso ahaa askarti u dambeysay ee khilaafadi islaamka Cusmaaniyiinta ee halkaas ku haray oo iyagu ma aadin dalkoodi hooyo ee Turkiga mana jirin cid Turki ah oo ka warqabtay aan ka ahayen taliyhi xukumi jiray oo isagu dalki ku soo laabtay.
Maalin maalamha ka mida Wafdi Turkiya oo ka kooban ganacsato iyo masuullin Turki ah ayaa booqasho sharafeed ku tageen Israaiil, waxaana wafdigaas weheliyey Nin wariye ah oo la yiraah ILhaan Bardakci .. Wafdigi waxaa dalxiis ahaan loo geeyey goobo taariikheed oo ka mid yahay Masjidka Al-Aqsa .. dabadeed kormeerki Masjidka wuxuu Wariye ILhaan Bardakci Barxada Masjidka Al-Aqsa ku arkay nin da'diisu ka weyntahay 80 jir kaas oo soo jiitay dareenkiisa .. Wariyey Bardakci ayaa weydiiyey sarkaalkii arrimaha dibadda ka socday ee israaiiliga ahaa oo agtiisa taagnaa barxadda masjidka? Sarkaalkii ayaa ku jawaabay isagoo leh: " Ninkaan Ma garanayo, malaha waa nin waalan, cidna waxba ma waydiiyo, cidna ma eego,
Hasa ahaate weriye Bardakci kuma qancin jawaabtaas oo wuxuu naftiisa ku yiri "qofna kuma dhalaali-karo cadceeda kulul ee daaradda sabab la'aan, wuxuu yiri "Waxaan ka tegi-waayay ninkaan Garkiisa Cad ee dhalaalaya ee ay sababtay neecawda ama culayska sannadah ( da'da)" Ma aan hubin inuu ila hadli doono iyo in kale .. Markaan ku soo dhawaaday, waxaan ogaaday in aanu odaygu is dhaqaajinayn oo digtoonyahay dabadeed waxaan Odaygii ku salaamay afka Turkiga oo iri "As-salaam-calaykum Aabbe", Odaygi indhihiisii buu kor u qaaday, waxaanu iigu jawaabay afka reer Anatoliya oo si fiican u yiri: "Nabad Wiil-keygiiyoow. " Isaga oo ka jawaabaya su’aasha weriye Bardakci ee ku saabsan waxa uu halkaas ka qabanayo, odaygu waxa uu ku jawaabay: "Anigu waxaan ahay Askari Laba Alifle Hasan oo ka tirsan ciidanka 20-aad, guutada 36-aad, kooxda 8-aad ee qoriga Mishingaanka culus” .. Wariyihi ayaa markale weydiey sababta u ugu noqon waayey dalkiisi hooyo ee Turkiga? waxa uu ku jawaabay isagoo aan ka dhaqaaqin halkii uu ilaalada u taagnaa "waxaan ka baqayaa in uu ka xumaado Nebi Maxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee hadii aan ka tago ilaalinta Qibladii hore ahna Masjidka saddexaad ee barakaysan"
Askarigi Laba Alifl Xasan oo sii watay hadalkiisi wxuu yiri: "Ciidankeenu waxa Ingiriisku ku soo weeraray kanaalka Suweys ee dagaalkii Koowaad ee aduunka ciidankeenii sharafta lahaa waxaa lagu jabiyay Kanaalka Suways (Suez Canal) in dib loo gurtaa waxay ahayd baahi jirtay waayo dhulkii awoowa-yaasheen ee aynu dhaxalka u lahayn ayaa ku sigtay in mid mid loo lumiyo, dabadeed Ingiriisku waxay ku soo riixeen ciidankeena albaabbadii Qudus, waxayna qabsadeen magaalada, meeshaan marki hore anagoo ciidan ilaalo ah waxaa nooga tagtay saraakiishi na xukuntay oo ku sugneyd Qudus, si aanay boob iyo biliiliqo uga dhicin.
Laba alifle Xasan wuxuu yiri markii ciidamada Ingriisku ay galeen magaalada Qudus, waxay doonayeen in ciidan yar ay ku sugnaadaan magaalada si ay uga fogaadaan fal-celin xun oo shacabka ka iman karta .. ilaaladu xageena waxay markaas ka koobnaayeen 53 qof oo gaar ah, waxaan helnay warka ah in xabad joojin lagu heshiiyay kadib heshiiska (Mondros Armistice October 30,1918). Taliyihi Gaashaan-leheenii ayaa noo waamay, waxa uu yiri: Libaax-ydiiyow dalkeennu waxa uu ku jiraa xaalad adag, sda daraadeed ayuu yiri waxaa layga yeerayaa Istanbul, Waa inaan tago, haddii aanan yeelin, waxaan noqon doonaa mid ka hor yimid maamulka oo ku guuldareystay inuu adeeco amarka, Qof kasta oo idin ka mida haduu doono wuu ku noqon-karaa wadankii hooyo, laakiin haddaad hadal-kayga raacaysaan, waxaan idinka codsanayaa: "Qudus waa dhaxalkii Suldan Yavus Selim Han Jooga oo shaqada Ilaalinta halkan ka sii wada, dadku yaanay ka welwelin bixida cismaaniyiinta oo aanay oran wayna dayaceen .. Reer Galbeedku way ku farxi doonaan haddii aynu ka wada baxno Qibladii ugu horreysay ee u ku tukaday nabigeenu salalaahu calayhi wasalam, yaan lagu tuman sharafta Islaamka iyo sharafta khilaafada.
Ugu Dambeysti Laba alifle Askari Hasan" Waxa uu weriye Bardakci waydiistay samafal (ixsaan) wuxuuna ku yiri: "Markaad tagto Anatolia (Turkey) haddii aad u sii gudubto magaalada Tokat Sanjak, fadlan soo booqo taliyahayga gaashnaale dhexe(Lieutenant) Mustafa, oo ah ninkii ii soo diray ilaalinta Masjidka Al-Aqsa oo igu aaminay meelahan xurmada leh, gacmaha iiga dhunko oo waxaad ku tiraahdaa: Laba Alifle Hasan oo ka socda Gobolka Igdir ee kooxdii 11-aad ee qoriga Mishiingaanka ayaa weli ku haray Qudus .. Ma uu dayacin xilkiisa, wuxuuna kuu rajeeyay duco, taliye’!
Weriye Bardakci wuu aqbalay isagoo ilmada isku celinaya, wuxuuna qabtay gacmihii Hasan oo dhunkaday, marar badan, waxa uu yiri: "Nabadgelyo aabbe." Hasanna waa u mahadcelinayay, isagoo sheegayay inuu og yahay inaysan suurtagal ahayn in uu dib u arki karo dalkiisii Turkiga iyo eheladiisiii....!
Markii wariye Bardakci ku laabtay Turkiga, wuxuu aaday magaalada Tokat Sanjak si uu u fuliyo oo u sharfo codsigii Laba Alifle Hasan, wuxuuna raad raacay taliyihii Hasan gaashaanle dhexe Mustafa Efendi isaga oo baaraya diiwaannada militariga, balse nasiib darro taliyaha ayaa geeriyooday sannado ka hor .. weriye Bardakci ma awoodin inuu oofiyo balantii uu u qaaday Laba Alifle Hasan.
Sannadkii 1982-kii, Weriye Bardakci waxa uu helay fariin telegraph ah oo ay ku qoran tahay: "Masjidka Al Aqsa waxaa maanta geeriyooday laba Alifle Hassan igdirli mas’uulkii ugu dambeeyay ee Cusmaaniyiinta.!
Askari Laba Alifle Hassan Igdirli (93 jir), waa askarigii ugu dambeeyay ee Cusmaaniyiinta ee Masjidka Al-Aqsa(1982), balse ma aadin dalkiisa ee wuxuu aaday qabriga oo waxaa u timi geeridii xaqa ahayda.!
Qisadani waxay dib inoo xusuusisay hal adaygii iyo geesinimadii walaalaheenii inaga horeeyay iyo sidii ay ruuxdoodu u dhisnayd una ilaalin jirreen sharafta Islaamka iyo jacaylkay u qabeen nabi Muxamed salawaatu Rabbii wasalaamu callayh.
ILaahay ha u naxariisto oo jannadii ha uggu deeqo dhamaantood,!