Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 15 January 2025

Imaaraadka Carabta Oo Fasaxday Filmada Anshaxa Xun .. Rag Iyo Dumar Aan Is Qabin Jaantaa Rogan.. Cabida Khamriga Iyo Iibintiisaba Waa La Baneeyey

Thursday - December 23, 2021



Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa go’aansatay in hadda wixii ka billowda filimada loogu talo galay dadka waaweyn aan la xakameyn doonin, markii shaleemooyinka laga sii deynayana shuruud looga dhigi doono oo kaliya in da’da dadka la fiiriyo, qof walba oo 21 jir ah ama ka weynna loo fasixi doono.

Wasaaradda Dhaqanka, Dhallinyarada iyo Shuruucda Warbaahinta ayaa sheegtay in ilaalinta da’da ee ku asteysan 21 la hirgeliyay laga billaabo 19-kii bishan December, taasoo ka dhigan in dadka da’daas leh ay daawan garaan filimada aan oo aan waxba laga jarin.

Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu qeexay in filimada caalamiga ah laga daari doono shaleemooyinka, hase ahaatee aad loo adkeyn doono sharciga da’da, sida uu qoray wargeyska dowladda Imaaraadka.

Maamulka shaleemooyinka ayaa loogu baaqay inay dadka weydiiyaan sharciga aqoonsiga, si ay da’dooda u xaqiijiyaan.

Horay waxaa Imaaraadka looga daari-jiray filimada caalamiga ah balse waxaa sharci ahayd in laga reebo meelaha anshax xumada ah ee ku jira filimadaas.

Ilaa hadda da’da ugu sarreysa ee lagu xiri jiray daawashada filimada waxay ahayd 18 sano, ka hor in baddalkan ugu dambeeyay.

Sanadkii 2018-kii ayay dowladdu xeerka da’da usoo dejisay madadaalada heerka sare ah. Kuma eka filimada oo kaliya, balse waxaa sidoo kale ku jira buugaagta iyo muuqaallada ciyaaraha.

Inkastoo dowladda Imaaraadka Carabta lagu tilmaamo mid ku dhaggan sharciga, haddana waa mid ka mid ah waddamada ugu furfuran Khaliijka Carabta, iyadoo si guud u tixgelisa diimaha iyo dhaqamada kale.

Shuruucda cusub ee dhawaan lasoo rogay, ayaa dhigaya in ragga iyo dumarka ay isla noolaan karaan iyagoo aan is guursanin, halka meesha laga saaray xeerarkii xaddidayay cabidda khamriga iyo iibintiisaba.

Marka la eego dunida Carabta, Imaaraadka ayaa ka mid ah waddamada ay ku sugan yihiin dadka ugu badan ee isticmaala internet-ka. Balse macluumaadka ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo diinta ayaa aad loola socdaa.