Rasuulka NNKh ayaa la fariistay qayb ka mida asxaabtiisa, kadibna wuxuu weydiiyey isagoo ka bilaabaya Abubakar Sadiiq RC oo ku yiri: Abubakarow Maxaad aduunyada ugu jeceshahay?
Wuxuu Abubakar ku jawaabay: Sadex baan aduunyada ugu jeclahay:
1- Inaan adiga kula jiro 2- Inaan adiga ku arkaayo 3- Iyo Inaan maalkeyga kugu bixiyo
Adigana Cumarow: Wuxuu ku jawaabay anna Sadex baan ugu jeclahay:
1- Inaan dadka wanaaga faro sirba ha ahaate 2- Inaan dadka xumaanta ka reebo jahriba ha ahaate
3- Xaqa inaan iraahdo xaaladu haba kharaaratee
Adiga Cusmaanoow: Wuxuu yiri Sadex ayaan jeclahay:
1- Inaan quudiyo dadka baahan 2- Inaan salaanta fidiyo 3- iyo Salaada dadka oo habeenki hurda.
Adigana Caliyow: Wuxuu yiri: Anna Sadex ayaan jeclahay :
1-Martida oo la waqanaajiyo 2- Xagaagoo la soomo 3- iyo Cadawgoo seef lagu laayo.
Kadibna Rasuulku wuxuu su'aashi u gudbiyey Saxaabi Abuu Daari Al-Qafaari oo isna goobta fadhiyey Oo Ku Yiri: Adigana Abuu Dariyow maxaad aduunka ugu jeceshahay?
Wuxuu yiri: 1- Gaajada 2- Jirada 3- iyo dhimashada. Kadib Nabiga NNKH ayaa wuxuu ku yiri: Sabab maxaad sadexda u dooratay?
Abuu Dara ayaa wuxuu ku jawaabay ; Waxaan ku jeclahay Gaajada si qalbigeyga u jilco, Xanuunkana waxaan ku jeclahay si u dambigeyga u yaraado, waxaan dhimashada u jeclahay si aan Rabigey ula kulmo.
Markaas buu rasuulku NNKH yiri: waxaa lay jecleysiiyey xageyga aduunyadiina Sadex:
1- Carafta 2-Dumarka 3-waxa laga dhigay waxay indhahaygu ku qaboosadaan Salaada.
Markaa kadib Jibril ayaa soo dagay CS nabadgal-yuuna ku salaamay wuxuu yiri:
Anna waxaan u jeclahay aduunyada Sadex:
1- Fariintoo idin gaarsiiyo 2- Amaanadoo aan guto 3- iyo Jaceylka Masaakiinta .. Kadib Jibriil wuu baxay oo samada tagay, kadibna wuu soo dagay markale, wuxuu yiri:
ilaahay ayaa nabadgalyo idin ku salaamaya, wuxuuna yiri: Eebe wuxuu ugu jeclyahay aduunyadiina Sadex: 1- Carrab Dikriga Alle Xusa .. 2- Qalbi Khaashic ah .. 3- Iyo Jir Dhibta iyo Balaayada u sabra
Fiiro Gaara: Saxaabada Waa Sidi Xidigaha Oo Kale Midkasta Oo Aad Ku Dayataan Waad Hanuuneysan