Dhinac walba oo laga eego Nabigu (SCW) wuxuu ahaa shakhsi heerka ugu sareeya ka gaaray hoodada qof lagu ammaano .. wuxuu ahaa moodal sareeya oo dhamays-tiran laga haqab-tiray fikradda toosan iyo aragtida toolmoon .. wuxuu nasiib u helay gabal wayn garashada wanaagga, ka baaraan dagidda talada, haboonaanshaha hadafka la higsanayo iyo hanaanka loo marayo intaba,
Dhalinyara-nimadiisii Nabigu wuxuu ahaa shakhsi kaga soocan dadka intiisa kale dhaqamo mac-macaan, akhlaaq sarraysa iyo sifooyin toolmoon, sidaa darteed wuxuu ahaa, kan dadka ugu shakhsiyad wayn, ugu akhlaaq wacan, ugu ceesid wayn darisnimo, ugu dulqaad wayn, ugu hadal ku run badan, ugu sahlan garqaadasho, ugu naf dhowrsoon, ugu baarrisan hawl qabasho, ugu ballan oofin badan, ugu amaano culus, ilaa uu noqday qofka ugu haybadda wayn dadka ilaa ay ku magacaabeen Amiin,
Nabiga SCW, soo bixitaankiisa waxaa ku sii bishaareeyay nabiyadii Alle ee ka horreeyey sida nabiyadii reer Bani Israaiil iyo nabiga Alle ee ciise (CS), arrintaan waxaa si wayn uga waramay Qur’aanka oo Alle ku sheegay in sifooyinka Nabigu ku yiileen Towrat iyo Injil labadaba, waxaa kaloo sii sheegay kitaabaha umadaha hore ay gacanta ku hayeen, oo si cad u sheegay magaca iyo tilmaamaha Nabiga (SCW) dhamaantood.
Nabigu (SCW) wuxuu ahaa ruux mucjiso ah oo lagu arkay waxyaalo badan oo laga yaabay waxaana ka mid ah, in nabinimada kahor uu dhagax salaami jiray, in markii uu safarka aaday la arkaayay daruur markasta haraynaysa, in wixii uu ku riyoodo si cad ay u imaan jireen, in hab dhaqankiisa iyo akhlaaq-diisuba ay ahaayeen kuwa dadka ka sareeya, waxaas oo dhanna waxay odoros kasii bixinayeen in mustaqbalka shakhsigaani uusan ahayn mid caadi ah.
Markii Nabiga (SCW) da’diisu afartanka u dhawaatay, fakarkiisii iyo indha indhayntiisii horana ay kala fogaysay xagga caqliga isaga iyo reer tolkiis, waxaa la jeclaysiiyey cidlada iyo ka fogaanshaha dadka, wuxuu hadaba qaadan jiray biyo iyo caana-boore oo aadi jiray godka loo yaqaan (ghaaru xiraa) oo kor-saaran buurta Jabalu Nuur, markaas ayuu joogayaa bisha ramadaan isagoo quudinaya cidii soo marta oo masaakiin ah, waqtigiisana wuxuu ku dhamaystaa inuu ku cibaadaysto waxyaalo ka mida diintii nabi Ibraahim (SC)
Sida muuqatana gooni joognimadaan Nabiga (SCW) loo qoondeeyey waxay ahayd wax ku yimid qorshaynta Alle u dajiyey, si uu ugu diyaariyo arrinta wayn ee sugaysa, waana lagama maarmaan naf walba oo la doonayo inay nolosha bashariyada wax ka badasho oo dhinac kale u leexiso hogaanka taariikhda waa lagama maarmaan inay khalwo gasho oo waqtiga qaarkiis gooni-joog noqoto, si ay uga dhexbaxdo mashquulka dunida iyo buuqa nolosha, iyo walwalka irsaaqadda iyo muranka dadka dhexyaal ee waxyaalaha yaryar ee mashquulinaya.
Markii ay u dhamays-tirmeen afartan sano –waana heerka buuxsamidda qofka waxaana la yiri cimrigaasaa rususha lagu soo diraa- waxaa ku bilowday nuurka nabinimada in raadadkeedu u iftiimayo, raadkaasina waa riyada wanaagsan, waxaa dhacday hadduuba riyo arko inay u timaado sida waabarigu u dilaacayo oo kale, sidaas waxaa ku gudbay muddo lix bilood ah, waxaa la yiri muddada nabinimada oo 23-sano ah riyadu waxay ka tahay meel marka afartan iyo lix meelood loo dhigo, markii hadaba bisha ramadaan la gaaray ee sanadkii sadex ka ahaa gooni u bixiisa (SCW) ayaa Alle la doonay inuu albaabada raxmadiisa u furo uunka arlada kor-keeda ku nool, oo ku karaameeyey Nabinimada, oo uu soo dagay Jibriil oo xambaarsan aayado qur’aanka ka mida.