Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 21 November 2024
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Qisadi Nabi Daniyeel Caleyhi Salaam Iyo Libaaxi Loo Tuuray
Tuesday - March 1, 2016
Waxaa jirtay in Waqtiyadi Bakhta-nsar u dalka Shaam halaaga ku hayey u soo qabtay laba Libaax oo ku xareeyey Ceel. dabeeto waxaa amarkiisa lagu soo qabtay Nabi Daniyeel oo sida la sheegay malaha ka diiday bakhta-nasar inu Riyo u fasiro, dabadeed ku tuuray ceel ay ku jireen laba libaax oo aad u baahanaa, hasa ahaate libaaxyadi waxba uma aysan geysan, waxuuna halkaas ku jiray mudo xoogaa ah, dabeeto Danyeel baahi iyo oon ayaa qabatay.
Alle baa waxuu u wax-yooday Nabiga Armiya oo markaas joogay Suuriya, waxaa lagu yiri; u diyaari raashin iyo cabitaan Daniyeel .. Armiya ayaa ku jawaabay oo yiri: Rabiyow anigu waxaan jooga Suuriya, Daniyeel-na waxuu jooga Ciraaq .. Alle ayaa ku yiri; fal wixii aan ku amray inaad fasho, oo waxaan ku soo dirin cid ku qaada adiga iyo cuntada aad diyaarisay. .. Armiya wixii la amray waa falay, dabeeto Alle waxuu u soo diray mid qaada isaga iyo cuntadi u diyaariyey illa u gaaray ceelkii Afkiisa.
Danyeel oo ceelkii guntiisa ka hadlay ayaa maqlay shanqar waxuu yiri waa kuma? waxuu yiri waa Armiya. Daanyeel waxuu weydiyay maxaa ku keenay halkaan,. Armiya waxuu yiri; Rabigaa baa ii kaa soo diray. Danyeel waxuu yiri: ma rabigey baa i xusay. Armiya waxuu yiri haa Daniyeel, markaasa Danyeel sidaan u xamdi naqay:
Xamdi iyo mahad waxaa leh Allaha ee aan hilmaamin kuwa xusa.
Xamdi iyo mahad waxaa leh Allaha ajiiba baryada kuwa rajeeya.
Xamdi iyo mahad waxaa leh Allaha aan marnaba hoojin kuwa tala saarta ee qofkii samra samata-bixiya samaanta ku guda samaan ka badan oo dhibka raacsha faraj dhaw.
Xamdi iyo mahad waxaa leh Allaha ee na badbaadiya markii aan weyno camal aan la hortagno ee na siiyo rajo markii aan wax walba ka rajo go'nay.
Nin la oran jiray Abu-Caaliya ayaa laga wariyey inu yiri: markii aan ku duulnay oo qabanay Magalada Tastur ee maqrib al-carabi(hadda Tunis raacsan), waxaan ka helnay keydadkii Dawladi boqortooyada hurmusaan-iiraan ee magaaladaas xukumeysey ka soo qaadnay Sariir u ku jiifey Daniyeel kitaabna u yaal madaxiisa agtiisa, waxaan u soo qaadanay xaga Cumar bin Khidaab .. Cumarna waxuu u yeeray nin kitaabka ku tarjuma afka carabiga kaaso markii la akhriyey laga helay qiisooyin taxan oo laga qoray Daniyeel ka sheekeynaaya dhacdooyinka jiray iyo saadaasha mustaqbalka Daniyeel loogu waxyooday .. Kitaabka waxaa kalo laga akhriyey in Qabriga Daniyeel 13 jeer goobtisi laga kala badalay si aan loo qufan oo dad u qaadan, maxaa yeelay waxaa la yiri sariirti u ku seexan- jiray ayaa markii roob doonta la rabo dibada loo soo saari- jiray .. Daniyeel jirkiisi waxba iskama badlin, waayo hilbka anbiyada kuma baaba'aan carrada bahalada iyo ddugaagana ma cunaan.
Waxaa la sheegaa in lix magaalo midkood u qabriga Daniel ku yaal, oo ka mida magaalada Babylon, Karkuuk iyo Muqdaadiyah oo intaba ciraaq ku taal, waxaa kalo la sheegaa inu ku duuganyahay magalada Susa Iyo Malamir midkood oo ku taal dalka iiraan
Hits : 3570
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story