Itoobiya Meel U Fiyow Ma Jirto .. Itobiya Oo Shuruud Cusub Ku Xirtay Sudaan Iyo Warki Ugu Dambeeyey Xiisada Ka Aloosan Xuduuda
Friday - January 29, 2021
Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Dina Mufti oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wada xaajood kasta oo laga galayo xiisada kala dhaxeysa Suudan ay ka horeyso inay ciidamadeeda la baxdo .. Mufti ayaa ku doodaya in Suudan ay kusoo xad-gudubtay dhulka Itoobiya, halka midaasi bedelkeeda ay ku andacooneyso Suudan, kuwaasi oo isku haya dhul beeraha hodanka ku ah oo lagu magacaabo Al-Fashqa.
Afhayeenka ayaa xusay inaysan Itoobiya diidaneyn in wada-hadal la gasho Suudan, balse ay rabto inay dib uga laabato dhulkeeda oo ay ku soo xad-gudubtay, sida uu hadalka u dhigay.
“Itoobiya waxaa ka go’an inay xal nabadeed ka gaarto khilaafaadka xuduudaha ee kala dhexeeya Suudaan,” ayuu warbaahinta u sheegay Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.
Dowladda Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalo diblumaasiyadeed oo ay ku rabtay in ciidamada Suudan looga saaro aaga lagu muransan yahay ee Al-Fashqa, mana jirto jawaab kasoo yeertay hogaamiyeyaasha millateriga Suudan oo ku aadan baaqa ah “inay ka baxaan dhulkaas”.
Suudan ayaa iyadu la soo warinayaa inay ciidamadeedu dhaqaaqeen ilaa 40-KM (25-mayl) dhulalkii ay Itoobiya haysatay, xiligii ay xukuumada Abiy ku howlaneyd howl-galkii millateri ee TPLF.
Muranka dhuleed ee Suudan iyo Itoobiya ayaa muddo badan soo jiitamayey, inkasta oo uu sarre u kacay dabayaaqadii sanadkii hore, kadib markii ciidamada Suudan ay xoog ku qabsadeen dhulka lagu muransan yahay.