Saxaabiga Miqdaad ibnu Al-aswad Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu ahaa saxaabadii ugu hor islaamtay, wuxuuna ahaa saxaabii kaliya ee ku dagaalamayey faraska dagaalkii Badar.
Hadaba saxaabigan wuxuu ka sheekeeyey qiso cajiiba oo ku dhacday xilligii nabiga (scw) wuxuuna yiri: Aniga iyo laba saaxiibadayda ah ayaa nimid masaajidka, ayadoo ay indhaha iyo dhagahaba ay nagala tagtay gaajadii, markaasaan isu bandhignay saxaabadii nabiga, bal hadii ay ku jiraan cid na kaxaysata oo cunto nas oo siisa .. Wuxuu yiri: Cidba way na kaxayn-wayday, kadibna waxaan u tagnay Rasuulkii Ilaahay (scw), markaasuu na kaxeeyey oo na geeyey gurigiisii. Gurigiisana waxa joogay sadex Riyaad (Ceesaamo), markaasuu nagu dhahay: Riyahan inoo maala oo afarteenaas ayaa caanaa iska leh, kadibna waanu lisanay caanihii oo cabnay, nabigana qaybtiisii ayaan u dhignay.
Wuxuuna ahaa nabigu (scw) mid yimaada xilliga habeenku soo galo oo wuuna na salaami jiray salaan uu maqlayo qofka soo jeeda sidoo kalena aan kicinaynin dadka hurda. Kadibna masaajidka ayuu tagi jiray si uu usoo tukado salaada, kolkuu soo noqdana wuxuu cabi jiray caanihii aan u dhigay.
Dabadeedna maalin ayaa shaydaankii ii yimid oo igu yiri; Muxamed wuxuu leeyahay saxaabo badan oo cunto iyo caanaba ka dharginayee ee iska cab caanahiisa, waanan cabay. Markaan caanihii ka dhargay ayaan is iri, bal hada seexo!! , laakiin waan seexan kari waayey. Kadibna shaydaankii ayaa ii yimid oo igu dhahay; caawa ayey kuugu darantahay, iminka ayuu Muxamed imanaya oo markuu caanaha waayo ayuu ku habaaraya, markaasaad khasaaraysaa Aduun iyo Aakhiraba.
Nabigii Ilaahay (scw) ayaa yimid markaasuu fiiriyey weelkii caanuhu ku jireen, mise wuu maran-yahay, kadibna gacmaha ayuu sare u taagay, markaasaan isku dhahay; waa taas oo waa lagu habaarayaa, balse waxaan maqlay nabiga oo leh: Ilaahayoow quudi cida nasoo quudisa, Ilaahayoow waraabi cida na waraabisa.
Kadibna intaan booday ayaan doonay inaan soo gawraco mid kamid Riyihii, hase ahaatee waxaan si kadis u arkay in sadexdii Riyoodba ay godlan-yihiin oo caano leeyihiin. Markaasaan soo qaaday weel wayn oo reer Muxamed aanay waligoood caana ku shubanin, dabadeedna caanihii ayaa xooriyey (xunbeeyey), waxaanan hor dhigay nabiga oon ku iri; Cab rasuulkii Ilaahayoow, markaasuu cabay, hadana waxaan iri; cab rasuulkii Ilaahayoow, hadana wuu cabay markaasuu dharagay, kadibna aniga ayaa cabay.
Wuxuu yiri: Markaan dhargay ayaan fadhiistay anigoo qoslayaa, markaasuu igu yiri; maxaad sameysay Miqdaadow? kolkaas baan uga sheekeeyey wixii aan ku kacay iyo wixii shaydaanku iigu sheekeeyeyba.
Rasuulku wuxuu yiri; taasi waa raxmad xaga Ilaahay ka ahaatay, ee maxaad labadaada saaxiib u kicin- wayday haynala cabaane, wuxuu yiri Miqdaad: waxba igama galin dadka kale, hadaad cabtay oo aniguna aan cabay sidoo kalena ducadii i asiibtay.