Alla SWT Wuxuu Ina Ku Amray Haddey Masiibo Dhacdo Inaan Niraahno: Inaa Lilaahi Wa-Inaa ILeyhi Raajicuun .. Eeg Sheekooyinka Ugu Xiisaha Badan Ee Laga Faafiyey Coronavirus
Thursday - March 19, 2020
Xannuunka Coronavirus-ka waxa uu noqday midka ugu hadal haynta badnaa ee qarniga inna soo mara .. Laakiin waxaa lagu daray warar buun-buunin ah iyo khurafaad aan meelna haysan, waxaana dhacday inay cid waliba sida ay rabtay uga hadashay .. Haddaba bal eeg sheekooyinka la yaabka leh amase laga sameeyey xanuunkaas
1- Waxaa la arkay Nimankii Jaad cunka ahaa oo Qaadkii ku mayraya Jaafeel iyo Taydh.
2- Mashiinada xaadiriska shaqada ee xafiisyada ( Attendance Machines) oo la arkay cidiba far saari wayday .
3- Waxaa la arkay xaflad Aroos oo qof af xiran mooyee aan cid kale ka qayb galin
4- Sheekh caan ah oo sheegay in Corona Virus Quraanka lagu sheegay iyo dawadiisa oo laga sugayo iney soo tabiso Galdogob Times
5- SWEDEN: Qof u dhintay xanuunkan oo dawladu diiday in maydkiisa la mayro. Arrintan oo caro
ku abuurtay Muslimiinta halkaas ku nool ( waxaa laga xigtay Qaraabadii maydka)
6- Nin Somali-kanadiyan ah oo xaaskiisii hore ee ay kala tageen Number-keeda ku save-gareeyay Corona Virus
7- Nin lacagtii baaqiqa Dukaan kaga cararay kadib markii ninkii dukaanka lahaa Qufac joojin waayay
8- Xukuumada Khyre oo dhinaca degaanka Kaaraan ka samaysay Goob qofka xanuunka looga shakiyo lagu karintimeeyo .. meeshan oo aad ugu dhaw xarunta Mucaaradka Shiikh Shariif
9- Shay-baarka ugu weyn ee ay Degmada Galdogob haysato oo noqday in qofkii laga shakiyaba la
dhaariyo.