Waagi Soo Baryaba Sheeko Hor Leh .. Waa Sheeko Iyo Murti Xikmad Ku Fadhida .. Boqorki Afarta Xaas Lahaa
Tuesday - Feb 18, 2020
Boqor Boqoradii hore ka mid ah ayaa waxuu qabey 4 Xaas waxuu aad u jeclaa mida 4-aad jaceyl waali ah wax walbo ay ka dalbatana wuu u sameyn jirey si u raali geliyo .. Mida 3-aadna wuu jeclaa balse waxuu dareemi jirey in maalin uun ay qof kale ka raaci doonto .. Mida 2-aadna waxey aheed mid marka uu dhib ku dhaco u soo ordi jirey iyo waqtiga daruufta jirto wuuna la tashan jirey ayadana wey la qeybsan jirtey dhibkiisa .. Lakiin mida 1-aad xaqeeda ma uusan siin jirin ayadana wey jecleed jaceyl xad dhaaf ah waxeyna u ilaalin jirtey hantidiisa ilmihiisa xaqiisa wey dhowri jirtey,
Waxaa xanoonsadey Boqorkii waxuuna dareemey in ay u soo dhawaatey geeridiisa waxuu ku fakirey oo nafsadiisa u sheegay: Inu leeyahey 4 Xaas mana jecli inaan qabriga kaligey galo xaskisa mida 4-aad ayaa waxuu ku yiri: Aniga waan ku jeclahey xaasas-keyga kale adiga ayaan kaa jeclahey wax walboo rabtidna waan kuu sameyn jirey raali ma ka tahey inaad Qabriga igu wehlisid? .. Waxey tirey: waa wax aan caqliga galeeyn ..weyna ka carartey isla markiiba ayadoo weliba xanaqsan.
Tii 3-aad ayaa timi waxuu iyadana ku yiri: Waan ku jeclaa inta aan is qabney waxaana ka codsanaya inaad ii raacdid Qabriga? waxay ku jawaabtay oo tiri: Nolasha wey macaantahey hadaad dhimatid Nin kale ayaan iska guursan .. Waxaa timi Tii 2-aad waxuuna ku yiri: Mar walbo adiga ayaan kuu soo ordi jirey marka dhib I heysto manta waxaan ka codsanaya inaad Qabriga igu wehelisid? waxay ku jawaabtay: Aad ayaan ugu xumahey ma awoodi inaan dalbkaaga kuu yeelo, balse waxaan kuu awooda inaan qabriga ku gaarsiiyo oo kaliya.
Boqorkii aad ayuu u murgoodey in yar ka dib waxuu maqley cod ka soo yeeray meel dheer oo leh: Aniga ayaa ku raacaya qabrigaaga iyo meel walboo aad taktid .. Boqorkii wuu fiiriyey qofka codkaa ka soo yeerey waxeyba noqatey xaaskiisi 1-aad ayado oo daciif ah oo iska jiran sababtoo ah ma uusan daryeeli jirin .. Boqorkii aad ayuu ugu shalaayey waxuuna yiri: Waxaa loo baahnaa inaan mar hore adiga ku dhawro xaqaagana ilaaliyo hadii waqti la isiin lahaa waxaan aad u jeclaan lahaa adiga waana ku daryeeli lahaa.
Dulucda Qisada .. Xaaska 4-aad waxay mataleysa: si walbo aad jirkaaga u daryeeshid mise aad raacdid Shah-wadaada goorta aad dhimatid wey kaa tagayan isla markiiba.
Xaaska 3-aad waxay mataleysa: Hantidaada, marka aad geeryootid wey ka tagayan waxeyna adayaan dad kale.
Xaaska 2aad Waxay mataleysa: Ehlikaaga iyo saaxibadada wax walbo ay ku sameeyaan kama fileysid ilaa iney ku gaarsiyaan qabrigaaga mooyee .. Xaaska 1-aad waxay mataleysa: camalkaaga iyo iimaankaaga wanaagsan ayaa wax ku tara .. Ka waran hadii manta camalkaaga lagu tuso uuna yahey mid daciif oo la iloobey