Suldaanki ayaa qaar ka mid ah dadki wadada maraayey weydiiyey: Muxuu ahaa ninkaan dhulka yaala oo aanay jirin cid arimihiisa ka murugooneysa oo aaway reerkiisi? .. waxay ku yiraahdeen: Ninkaan aad iyo aad ayuu Sakhraan u ahaan jiray waana uu Zineysan-jiray .. Suldaankii waxaa u yiri: Ka mid ahaan umadda Nabi Maxamed CS hadda igu caawiya inaan gurigiisa u qaado.
Dadki waxay suldaanka ku caawiyeen qaadista meydka, markii gurigiisa la keenay ayaa suldaanki iyo ilaaladiisa ay ku hareen guriga. waxay arkeen xaaskiisa oo ku kor barooraneysa meydkiisa oo leh: ilaahay ha ku naxariisto, Saaxiibki ilaahayow, waxaan marag ka ahay inaad ka mid ahayed kuwa dhawrsan .. Suldaanki oo la yaabay hadalka haweyneyda ayaa yiri: Sidee buu uga mid ahaa kuwa dhawrsan, iyadoo dadku ay ka sheeghaan wax aan wanagsaneyn, oo xitaa aany jirin cid ka fikireysa meydkiisa .. Waxay ku jawaabtay: taas waa mida aan filanaayey, ninkaan habeen kasta wuxuu u bixi jiray makhaayadaha lagu caweeyo, wuxuu soo iibsan jiray khamriga illa inta u awoodo, guriga ayuu keeni jiray waana u daadin jiray, wuxuuna igu uran jiray: muslimiin ayaan badbaadiyey maanta, sido kale wuxuu aadi jiray goobaha Dumarku ay ka ganacsadaan jirkooda, lacag ayuu siin jiray mid ka mid ah naagaha si ay u xirato albaabkeeda ila waagu uu ka baryo. isla markaa guriga ayuu ku soo noqon jiray, wuxuuna igu dhihi jiray: Maanta waxaan ka badbaadiyey haweyney da'yar dambi .. Dadku waxay arkeen isagoo iibsanaaya khamri iyo isagoo galaaya goobaha lagu Zineysto sidaas awgeed ayey dadku uga hadli-waayeen arimihiisa.
Haweyneydi oo hadalkii u wada suldaanka waxay tiri: maalin ayaan ku iri: Marka aad dhimato ma jirto cid meydkaaga mayreysa, ma jirto cid cid meydkaaga ku tukan-doonta mana jirto cid meydkaaga aasi-doonta .. wuxuu igu qoslay wuxuuna igu yiri: Gacaliso ha cabsan, kuwa xaqa rumeeyey suldaankooda oo ka mida kuwa dhawrsaday ayaa meydkeyga ku tukan-doona .. Suldaanki ayaa bilaabay inu Ooyo. oo markaas yiri ilaahay baan ku dhaartaye run buu sheegay, aniga oo ah Suldaan ayaan berito meydka mayri-doona, ku tukan-doona waana xabaali-doona .. Wey dhacday sidaas oo Suldaankii, Culimadi, dadki dhahrsanaa iyo dad kale oo aaska ka soo qayb galay ayaa ku tukaday meydka.
Ilaahay SWT wuxuu yiri: Kuwa xaq rumeeyow ka dhawrsada wax badan oo mala ah, maxaa yeelay malaha qaarkiis waa dambi, hana is jaajuusina, qaarkiina qaar yuusan xamanin.