1969 biishi Oktobar, cawa la kala shaqeystay, goor waabari ah ayaa la arkay halbaw-layaashi caasimada Mogdisho, oo ciidamadi jeyshka gees ka gees ku gaadaaman .. indhihi dadka waxay arkeen cutubyo ciidan goobo kala duwan soo dagay oo diirada iyo keebka haya iyo horimo ilaalo is daba jooga, oo iyagana haysta hub cayn cayn ah, waxaa kalo gurmad komandoos lagu soo daadshay xarumihi dawlada .. maalintaas amaradi socday wixii diida waxay ahayd allow sahal.
Maalin ka dib ayaa la ogaaday in ciidamada is-dhaafaya ee galaa-baxaya u ahaa afgambi horseed u yahay General Maxamed Siyaad .. Dalka oo run ahaanti aad uga niyad jabsanaa maamulki Rayidka ayaa si la yaab leh u soo dhaweyey afgambigaas dhacay oo la yiri waa farax, durbaan iyo aroos loo sacab-tumay, iyagoo u arkaayey in lurti, abaarihi kala dambeeyey iyo colaadi arlada ka aloosneyd, waxa kaliya ee buuxin-kara baahida Soomaalida xiligaas ay ahayd inqilaab milatari oo dhaca .. halka hogaamiyihi mucaaradka dawladi Raydka Digtoor Yuusuf Samantar Bardacad U isagu qabay in is-badalka u ku yimaado kacdoon Shacbi ay horseedayaan hormoodka Shaqaalaha iyo Saraakiil Progressive ah oo wax ku soo bartay dalalka hanti-wadaaga
Taariikhda Siyaad iyo afgambigiisa ma rabo inaan ka hadlo, oo mar kale ayaan sheekadaas u banaanbixi-doona .. waxaan qorayo waa waxaan wada joogay ama dalil cad aanu hayo,waxaana u hambal-yeynaya iyagoo ku mahadsan dhambaalada e-meelka igu soo dhacaya oo wax walba leh, haba u badnaadeene bogaadin iyo diirigalin qoraalada fikirka noocaana ila qaba .. koleyba dadku mudo waxay ku mashquuleen sidee dhibaatada looga baxa mooye, sidee taariikhda loo aruuriya niyadaba laguma hayn .. laakiin waxaa xaqiiqa ah in xukun-kasta oo la soo maro uu leeyahay samaan iyo xumaan, meel u ku wacnaan-karo iyo mid u ku xumaankaro .. Sidaa darteed waxaan maanta WiKileaks-kaan ku soo koobaya sababihi iyo wixii Digtoor Yuusuf Samantar "Bardacad" u ku muteeystay inu xabsiga ku caweeyo muddo ku dhaw labaatan sano, iyado lagu sunto inu ka mid yahay siyaasigi ugu xabsi dheera mudadi u Siyaad Bare Xunkunka dalka haystay,waxaana surtagal ah in dad badan oo haba u badnaadeene jiilkaan dambaba aney xitaa magaciisa maskaxdooda ku jirin.
General Siyaad Bare Xiriirkiisa dhabta ah ee ruushka isagu ma sameysan, aragti horana isuma lahayn aan ka ahayn dhawr tababare Ruush oo xeryihi milatariga ku sugnaa mooye oo rumeysnaa in Jeneraalka xooga dalka ay isku aragti ka yihiin xaga afkaarta iyo aaraada ku sal leh u hiilinta hanti-wadaaga .. hasa ahaate muddo gaaban ka dib Maxamed Ibraahim Cigaal oo raiisal wasaaraha Somaaliya xiligaas ayaa joojiyey lacagti deyn bixinta ee la siin jiray dawladi ruushka, taaso keentay in ruushki isagiina dhiniciisa joojiyo tababaradi iyo dayactirkii hubka .. dabadeed General Siyaad arintaa darteed ciil isla duubay kuna taahay " aleylahay intaan laygu Qadeyn aan wax ku Casheeyo" isagoo ku hamiyey inu xilgi inqilaabka ka soo hormariyo waqtigi u cayimnaa.
Rag is galay kala galad la' .. hadafka hootada Maxamed ibraahim Cigaal ee cuna qabateeynta ciidamada, waxay ahayd gogol-xaar in Jananka Siyaad u Caabud-waaq Cadayada ka gurto, halkii-saasna isaga alla baryo .. Sidaa darteed General Siyaad oo ahaa Nin xog-ogaal badan, xarfado iyo loobby baas lahaa, waxuu aqalkiisa goor habeena ku marti qaaday Dr.Yuusuf Samantar Bardacad oo markaas ahaa madaxa xisbigi la oran jiray SDU xiriir haybad iyo Qaraami fiicana la lahaa dhaq-dhaqaaq-yadi axsaabta hanti-wadaaga caalamka, gaar ahaan xisbigi dawldi Sovetka oo ay u haysteen Mr.Bardacad Naamuuskii hanti-wadaaga geeska afrika .. Siyaad ayaa calaacal ahaan uga waramay Bardacad,xaalada hagradaamo ee u gaagixiyey Maxamed Cigaal Iyo go'aankii Ruushka u ka qaatay, Sidaa darteed ayuu ka codsaday talada ugu dhaw ee wax lagaga qaban karo dhibaatooyinkaas cir-ciiraya ee ciidanka ku soo kordhay.
Yuusf Samantar Bardacad oo xiligaas martiqaad ka haystay xisbigi Shuuciga ee Raashka si uga qayb-galo shir-weynaha kongaresyska shuuciga magaalada Mooska, ayaa si hawraarsan ku yiri Jenanka, markaan tago halkaas ayaan arinkaaga kala hadli-doonaa madaxda Ruushka .. Mr.Yuusuf Bardacad oo jilibka u aastay xod-xodasho u kaga raadinayo Ruushka sidi General Siyaad iyo ciidankiisa u caawin-lahaayeen iyo ka raajicinta biilka loo daba joogo Cigaal .. Ruushkii wey ka aqbaleen kor iyo hoosba dalabkii Mr.Bardacad oo dhan .. isla markiina Mooska ka soo direen wafdi ay horjogayaal ka yihiin labo Jeneraal oo soo wareysta General Siyaad Bare, xaaladana soo darsa, dabadeed warbixintoodi wanaagsan awgeed hubkii waa loo soo furay ciidamadi si shuruud la'aan ah .. halkaas ayey ka bilaabatay barshadi ugu weyneyd Ruushka iyo Maxamed Siyaad Bare oo sabab u ahayd sawirkii u ka bixiyey Yuusuf Bardacad.
Xisaabta laguma darsan Xikmad oraneysa Dad Iyo Duurba waxaanad filayn baa kaaga so baxa ..Orodkii hiilinta Yuusuf Samantar Bardacd iyo gaar ahaan Ruushkii yiri dawlad kasta nin-bey wadata ee Jeneraal Siyaad waa noo dooranyahay,ayaa candhuuftoodi dib u liqay, waxaana u muuqatay iney ku dag dageen iska dhaa-dhicinta in Siyaad Bare u yahay Oday hanti-wadaag u jan-jeera .. Siyaad markii U awoodi dalka la wareegay, waxaa u soo baxday sawir ah in kan ugu horeeya ee xaniiyaha qaban-doona ay yihiin Digtorka Yuusuf-ka ku qufulan falsafada hanti-wadaaga iyo qarenkiisa KGB-da .. Sidaa darteed Maxamed Siyaad xabsiga Bardacad waxuu u arkay ka maar-miwaa, dabadeed isagoo safar u aadayey Qaahira 6 Sep.1970 iyo tacsidi Jamaal Cabdi Naasir ayuu ka dardaarmay xarigiisa, hasa ahaate marku ka soo noqday safarkiisi, laba biloodna xirnaa ayuu soo daayey isagoo ku cududaartay inusan waxba ka ogeyn xarigiisa, laakiin shaki u kaga didsanaa KGB-da Ruushka iney taangi soo saaran Yuusuf Bardacad soona qotomiyaan kursiga madaxtinimada, taa darteed waxaa Bardacad dib xabsiga loogu taxaabay sanadku marku ahaa 4 May1971, waxuuna halkaa sidi hadba xabsi ka xabsi loogu kala wareejinaa-yey ugu dambeyn waxuu karantiilki ku dhameystay xabsigi weynaa ee labaatan-jirow muddo ku siman 18 sano, waxuuna soo baxay bishi Feb.1989, waqtigaso sovetkii-ruushka kala daatay laakiin aan la iclaamin
Mr. Bardacad oo yaqiinsaday ninba shar iyo kheyr wixi loo qoray ilaah waa la kulansin, qaatay qadarkaas iyo nasiibka ma noqon doqon caro la baxay, balse shaar gobeed isagoo ku labisan, kulan lama ilaawaan ah kula qaatay Maxamed Siyaad degmada Buur-dhuubo, waqtigaas oo ahayd markii Siyaad isagoo kab lulaya midna laa-laa-dinaaya, gacan wax ka noqday ku soo qaxay xaruntaas, ayaa Rag u ka mid yahay Yuusuf Bardacaad halkaas ugu geeyeen, sooryo,hub iyo maal uu ku rogaal celiyo, sido kalana mar labaad ayuu ugu tagay Baydhabo oo u geeyay halawyada taararka iyo is-gaarsiinta hirarka dhaa-dheer.
Waxba yey hadalka ila fogaane waxaan hadal ku soo koobaya dipolomaasiyiinti ruushka Mogdisho oo aan weli ka quusan murugada xabsiga saaxiib-kood digtoor Yuusuf Samantar Bardacad, iyagoo hadaba dhambaalo ka wada madaxdi xisbigi shuuciga Ruushka ayey marar badan ka codsadeen Maxamed Siyaad inu soo daayo, oo ay ku yiraahdeen "Mr.Bardacad ma mudna in lagu dheelo amase la dhibo", hasa ahate Maxamed Siyaad intu uu gedo-geedeeyey, dhaar xagaf ku siyey inu yahay xabib jecel Ruushka iyo hanti-wadaagiisa, oo yiri waayahay iyo haye ayuu haddana ballanti uga baxay, oo halkii laga sugaayey in laga sii daayo xabsigi dhex ee Mogdisha, waxaaba loo dhaadhiciyey xabsigi weynaa ee labaatan-jirow .. waxayna aakhirtu Ruushkii u cadaatay iney beenoowday isla bixi ay ku xisaab-tamayeen iyaga iyo Ina Siyaad, oo Janankii meel aan meel ahayn ka baf-baf leeyahay, una muuqatay wax la qabsigiisa iyo taageeradiisaba ay tahay dhagax ay kar-karinayaan weliba bislaaneyn .. hanti-wadaaga u sheegtana ay ku tahay booli .. waxaan la hureyn ayey yiraahdeen waa iyado Jananka lagu dayo waraf inqilaab.
Waayo dambe iyo waqtiyo isku xig-xiga iyo markii qiil lagu kala bogsada la waayey oo caradi labada dhinacba ku garoortay, ayey Ruushku isku dayeen iney Siyaad warfkii afgambi ku dayaan .. oo markaan il shabeel ku eegtay Sarkaal sare ( ma rabo inaan magaciisa sheego) oo ay maanka ku hayeen amase is-lahaayeen waa halyey la dugsan-karo oo ay tahay inaan tashiga afgambiga la dhaafsiin, hasa ahaate sarkaalkaas lafhaantiisa ayaaba damaci isku deygooda kashifay oo warkoodi Siyaad soo gaarsiiyey, laakiin waxaa la yiri sheekada la wad-wad, hub iyo rasaasna ka dalbo oo sidaa darteed ayey si hagar-baxa makhaasinadi milatariga meel kasta hub xad dhaafa ku soo harqiyeen, iyagoo iska dhaadhiciyey in Sarkaalkaas u dabran-yahay aqoonta hanti-wadaaga cilmiga ku dhisan, himiladoodana ahayd marku sii xoogeysto ayuu xaalada mustaqbalka wax ka badali-doona.
Sidaas oo kale ayey KGB-di ciidamada ka dhex abuureen xubno saraakiil sir hoose ku shaqeya la magac baxay "Maroodi-yaashi Bari" oo sidi maan-dooriyaha u cabsanaa hanti-wadaaga Bari daacadna u ahaa, laakiin kuma ay aflaxin oo markiiba sirtoodi mid ka mid ahaa ayaa kashifay, dabadeed siyaabo kala duwan ayaa saraakiishaas mid walba loola dhaqmay, oo intoodi badneyd laga dhigay mid la badalo iyo kuwa wasaaradaha rayidka lagu meeleeyo iyo kuwa waxbarsho dheer loo diro .. Hasa ahaate ma daama ruushka ay duni meel ugu xirneyd gaadmadi iyo weerarkii KGB-da intaa kuma harin, laakiin markasta waxaa la qirsanaa in farsamada KGB-da ay ku jirtay khashiinimo oo u ku khal-khalsanaa akhriska maskaxda qofka Somaaliga u la macaamilaayo, oo qaaliban u baahan in si gaara loo ahkriyo, taaso keentay in talabo kasta oo ay qaadan Ruushka ay futada cankeeda go'do
Sanadka markuu ahaa1983 oo xiriirki dhinac walba ka go'anyahay ayey dibin kale xireen oo markaan qorsha-hoodu ahaa Dil- assisination, loo isticmaalo qoriga hawsarka, waxayna hawshaas la kaashadeen rag mucaarad ah oo dibadaha ku sugnaa iyo kuwa gudaha ku jiray oo isku xirnaa, waxaana qorshahu ahaa in Madaxweynaha Siyaad lagu dilo bandhigii ganacsiga fiyeeraha " trade show" oo la rabay in sandkaas la furo, hasa ahaate sirta la helay awgeed ma tagin goobti .. xogtaas jaaniska ah, waxaa laga helay Safiirkii Yugoslaafiya ee Mogdisha oo dalkiisa xaaladaas khatarta warbixin ka siinaayey .. Waxaa dhinaca-yaga sirtaas u soo gudbiyey Agent iska dhal ah oo koobi-yaasha noo soo diri jiray, waxuuna safiirka u ahaa gacan yare xaga qoraalka, waxaana xusid mudan safaarada ma lahayn staaf dipolomaasi, oo waxaa dalka ka joogay safiirka oo qura, qoraaladiisana waxay ku bixi jireen afka talyaaniga.
Waxaase la yaab ahayd safiirkaas Yugoslaafka oo ahaa kuwa aan laga taxadarin, ayaa qudhiisa u xusul duubtay inu docda ka wareemo kursi ka tuurista madaxweyne Siyaad .. inta la hubo waxuu dabin u dhigtay 2-wasiir iyo dhawr sarkaa kala darajo duwan, Maareyaal, agaasimayaal dhawr ah, oo intooda aan is ogeyn, waxuu u sameystay gogol lagu bulsheeyo, falka falaad-kiisana u gaaray inu sawiro ka duubo iyagoo haasaaw ku jira,waxuu dhinaca kale xirir kala yeeshay haweyney dhoola-cadeyn badneyd u qabay wasiira muhim ka ahaa dawladi, oo wax badan kala qabatay ujeedoo-yinkiisa badnaa .. Sidaa daraadeena lacgta adeegeeda, waxaa loogu shubi jiray xisaabaad-keeda Landan .. Safiirkaas waxaa la tuhunsanaa inu ahaa laba wajiile u shaqyn jiray KGB-di Ruushka iyo CIA-daba
Amuuraha bar baa sira ah, wixi dhacayba-dhace, waxaan maanta halkaas ku joojineynaa warbixina-daas taariikhiga ee ugubka idin ku ah, anigoo rajeynaya qoraalada dambe si gaara uga hadli-doona dhacdooyinkaas kor ku xusan halka ay ku dhamaatay iyo meesha ay martay ee nalo soco .. [email protected]
Hits : 23006