Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 15 October 2024

War Deg Deg Ah .. Kenya Oo Ku Faafaya Cudurka Mpox Ee Dilaaga Ah Iyo Dawlada Oo Ka Ololeyneysa Cirib-tirka Aafadaas

Tuesday - October 15, 2024




Nairobi- Kenya ayaa ka hadashay qofkii ugu horreeyay ee u geeriyooda xanuunka Mpox, iyadoo 13 xaaladood la xaqiijiyay in laga helay 11 Degmo oo gudaha dalka ah, oo ay ku jiraan magaalooyinka waaweyn ee Nairobi, Mombasa iyo Nakuru.

 Saraakiisha caafimaadka ayaa baadi goobaya 68 qof oo lala xiriiriyay xanuunkan, kuwaas oo saddex ka mid ah laga helay.

Takhaariirta ololayaasha caafimaadka dadweynaha ayaa sii wada dadaalkooda ku aaddan wacyi-gelinta halka kooxaha caafimaadka ay xoogga saarayaan xal u helidda kiisaska la xaqiijiyay.