Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Burushka ilkaha Lagu Nadiifiyo Oo Malaayiin Bakteeriyo Gasha ..Waa Haddi La Dhigo Suuliga

Friday - March 5, 2010

Dad malaayiin gaaraya ayaa waxay khatar galinayaan caafimadkooda kuwaasoo dhiga burushka ay ilkaha ku cadaydaan suuliga ama xamaamka, iyadoo ay culimadu caafimaadku sheegayaan in kumaan bakteeriya ah ay hoy ka dhigato burushka suuliga yaala

Jariidada daily Telegraph ee ka soo baxda dalka ingiriiska ayaa sheegtay ( luweds pharmace) ay ka digeen in marka biyaha lagu shubo suuliga ay malaayiin bakteeriyo ah ku fido suuliga dhexdiisa taasoo oo gaareysa wixii alaab ah ee suuliga yaala oo dhan u ka mid yahay burushka ilkaha lagu nadiifiyo.

Masuul shirkada u hadlay ayaa sheegay in bakteriyada ay kor u kacdo masaafo dhan ila laba meter suuliga dhexdiisa laakiin nasiib xumo sheegaya kaliya ee yaala suuliga u yahay buraashka afka la galinaayo halkaana ku uruurto bakteriyadaasi .

Culimo ka tirsan Jaamacada Manchestar University ayaa sheegay in 100 malyuun Bakteeriyada nool ay ku nooshahay buraashka suuliga yaala oo ay ka mid yihiin Ecolie, Stavieolouse iyo qaar kaloo badan.

Dr. Lowesa Balole ayaa sheegay in arinka naxdinta leh uu yahay marka uu qofkuu ogaado in bakteeriyadaasi ay ku nooshahay burashka uu afka ku xoqayo maalin walba

By ; Barkhad Cabdullaahi Maxamed  [email protected]