Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Waa Casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al-Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - March 4, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Marxaba Gudoon Wacan Ku So Dhawaada Eereyada Mua'dinka Xaqa Sheega Ka Daalin Al- Digtoor Sh. Shuceyb

Ujeeddo Casharka Maanta: Caadada Biisha Ee Dumarka Iyo Xanuunada ka dhasha

                                ----------------------------------------------------------------------
“Al-Ihsaan is to worship Allaah as if you see Him, And even though you do not see Him, He sees you!” (Muslim).
 
Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allah iyo Saliga Suubanaha  NNK ha ahaato, qofkii Xariga Allah qabsada ma baadiyoobo, wuxuu hantaa guusha dunida iyo Jannada Aakhiro. Waa naxariista Allah in ragga iyo dumarka si kala duwan loo abuuray, mas'uuliyad kala duwan la saaray iyo waajib. Dumarka laga bilaabo marka Caadada u timaado oo ay baaluqaan ilaa ay ka dhalmo joojiyaan, waxey la kulmaan xanuuno kaladuwan, mid ka mid ah waa caadada oo ku xumaata, midaa oo noqon karta wakhtiga oo dheeraada ama dhiig bax ku yimaada, ama xanuun xad dhaaf ah oo ay dareemaan, xanuunkaa oo marar qaarkood ka hor istaaga iney gutaan howl maalmeedkooda.
Daraasad la sameeyay qaarkood waxey sheegeen culimada caafimaadka u kuur gala in 75% dumarka dhalinta yar uu gaaro xanuunkan sidoo kale 25 ila 50% dumarka qaan-gaarka ah, qaar kale oo gaaraya 20% dumarka ka mid ah si ba'an bay ugu xanuunsadaan wakhtiga caadadu u timaado. Waxa lagu gartaa xanuun ku aadan caloosha qeybta hoose, waxa dhici karta in laga dareemo dhabarka, madax xanuun, lalabo, daal, wareer, iyo caloosha oo socota. inta badan wuxuu la kowsadaa marka caadada timaado hase yeeshee maalmo ka hor baa la dareemi karaa calaamadaha aan kor ku xusay. Dumar badan waxey dareemaan iney ka gudbeen xanuunkan marka ay caruur dhalaan ama da'doodu korodho.
Xanuunka caadaada waxa sabab u ah isbelo dhanka falgalayaasha jirka kuwa sababa dareenka xanuunka sidoo kale waxa keeni kara cuduro ku dhaca Ilmo Galeenka iyo qalabka loo adeegsado in laga hortago Uurka kuwaa oo marar badan sabab u noqda waxyeelo ku yimaada Ilmo-galeenka. Takhaatiirta hadii loo baahdo waxey adeegsadaan baritaan sida Pelvic Ultarsound, ama laparoscopy, ama hysteroscopy. Marka takhtarku ogaado waxa qofka dumarka ah haya ama asaaska dhibkeeda waxa uu kula taliyaa tilaabo dhowr nooc u kala baxa sida Jimicsi, ama in la diirsho caloosha ku aadka hoose, ama in ay qubaysato iyada oo adeegsaneysa biyo qandac ah, daliigid fudud iyo nasasho, hadi tilaabadaa ay dhimi weyso xanuunka haya wuxuu adeegsadaa takhtarka Dawada xanuunka loo qaato lagu magacaabo (non-steroidal anti-inflammatory drugs) (Nsaid), sida Ibuprofen ama Diclofenac, dadka qaba cudurka Neefta waxa loo baahan yahay ineysan qaadan dawada ah NSAID, sidoo kale kuwa xanuun ka'qaba Caloosha ama Kelyaha ama Beerka, ama dumarka Uurka leh, ama Naas-nuujinaya, caruurta da'dooda ka yartahay 16 sano waa in laga ilaaliyo iney isticmaalaan dawada loo yaqaan Aspirin. Haddii loo baahdo daawada looga hortago dhalmada, waxa haboon in la adeegsado kiniinka laga qaato afka loogana hortago dhalmada hadii caadada xanuunka la jira sabab u tahay dhib ka jira ilmogaleenka markaa waxa waajib ah in la ogaado kadibna la daweeyo sababta keentay xanuunka.
Had iyo goor waa in maanka lagu hayo in loo baahan yahay in la ogaado waxa keenay ama sabab u ah xanuunka intaan dawo la isticmaalin, la tashi takhtar waa waajib si looga fogaado waxyeelo dadban oo ay keeni karaan dawada la isticmaalo.
Allah waxaan ka baryayaa inuu caafimaad siiyo guud ahaan bukaanka muslimiinta, gaar ahaan inta ehelo iyo qaraabo ah ee lagu imtixaanay cudur, Allow ajar iyo abaal marin weyn uga qor dhibka haya.