Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Jaamacada Carabta Oo Cambaaraysay Hadalkii Israel Ee Aqoonsiga Somaliland

Thursday - March 4, 2010

Warbixin ay maanta  soo  saareen Ururka Jamaacadda Carabta ee  fadhigiisu  yahay Magaaladda Qaahira ee dalka Masar ayaa waxa lagu cambaareeyay hadalkii dhawan ka so  baxaay dowlada Israel taas oo ku aadaneed aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Bayaanka ayaa lagu xusay in jaamacatul carab doowladaha carabta ee ku jira ayna aqoonsaneeyn maamulkaasi uuna yahay maamuul gobaleed waxaana aqoonsanahay xukuumada iminka somaaliya ka jirta uu madaxweeynaha ka yahay shiikh shariif shiikh axmed

Waxaan ugu baaqeena beesha caalamka in dal ka mid ah jaamacatul carab laga gacan siiyo sidii ay uga bixi lahayeen qeyb-qeybinta lala damacsan yahay .. Si kastaba ha ahaate, warbixintani  ka soo baxay jaamacada carabta ayaa ku soo beegmaya xilli doowlada Israel ay dhawaan sheegatay in aay aqoonsi buuxda siineysa Jamhuuriyadda Somaliland. oo 1991 kale so noqotey xoriyadeedii dalkii liisku oran jirey Somaliya.

Jawaabta Jaamacada Carab ka soo baxday ayaa dabo socotay Hadal Dhawaan uu Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada Isreal ku sheegay inay Aqoonsan doonan Somaliland haddii Masuuliyiinta Somaliland ay iyagu marka hore lasoo xiriiraan Isreal.