Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 18 May 2024

Casharkiisi Taxnaa.. Caalim Al-Digtoor Sh. Shuceyb Oo Waano Iyo Wacdi Wixii Alle Baray Kaa Haqabtira

Thursday - November 5, 2009

Daar burburtay waa la dhisaa, damiir burburay baa adag ... waxaan halkaan idin ku soo bandhigeynaa casharkii jimcaha taxanaha ahaa ee waqtigiisi qaaliga u huray fadiilat al-digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa caalim daaci ku ah wixii alle baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad kaa haqabtiraya  ... Casharkiisu waa ereyo suntaya wanaaga ku xardhan dahab kuna qotama aqoon iyo garaad sareeya ... waxaa diinteena ku sugnaaday in Raxiimka ina abuuray habeen kasta adoomadiisa naxariistiisa una fidiyo in cid u baahan dambi dhaaf oo loo dambi dhaafo jirto ama wax weydiisaneysa oo laga aqbalo ... ilaahow naga dhig kuwa kalinimadaada rumeeyey, adigaa wixii Aad tiraahdo taabo galiya taaduna noqone Janno fardoosa, ubad wacan, Oori wacan iyo gudoon wacan adigu na sii .... Eebo adaa tiirsamaad mudane ha na tuurin.

Marxaba gudoon wacan ku soo dhawaada Ereyada Shiikha iyo ka faaiideysi wacan:
 
 ----------------------------------------------------------------------------------------------------

Socdaal Gaaban U Galay Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf Awgeed Casharkiisi Jimcaha Waxaa Maanta ka Si furdaamiyey Ustad Cabdi-Fataax Xasan Aadan 

Ujeeddo : Qiiso Gabar Ku hadasha Qu'raanka

Waxa u yiri ninkii taabiciga ahaa ee Cabdulaahi Bin Mubaarak ilaahay ha u naxariiste ... Anigo oo tagaya Xajka si aan u soo siyaarto qabriga Rasuulka ( CSW) kuna sii jira dariiqa ayaan waxaan arkay qof Dumar ah oo weyn, gashan dhar suuf ah waxaan ku iri; nabadgalyo dushuuna ha ahaato iyo naxariis illahaay waxa ay tiri  "Qawlbaa nabad leh ka yimi xaga rabiga raxiimka ah" waxaan aan ku iri; illaahay ha ku naxariiste maxaad halkaan ka qabaneysaa? waxa ay tiri "Qofka illaahay haleeyo cidna ma hanuuniso" waxa aan ka gartay in ay ku hawshantahay dariiqi ay dooneysey in ay marto waxaana ku iri ; halkee ayaad dooneysa waxa ay tiri "illaahayba xumaan ka nasahan ilaaha guura galiya adoonkiisi habeen ee ka dheelmiyey masjudl xaramka illa masjudul Aqsa" waxa aan gartay in ay soo gudatay xajkii oo ay dooneyso in ay tagto baytul Maqdas waxaan ku iri; imisa ayaad halkaan joogtay waxa ay tiri "sadex habeen mudo ku siman "waxaan aan ku iri; waxaan arkayaa in aanad haysanin cunto aad cunto waxa ay tiri " isagu waa kii ii quudinayey ee i waraabinayey waxaan ku iri; waxa aan haysta raashine maad cuni doontaa waxa ay tiri "dabadeedna dhameystira soonka illa habeenkii" waxaan ku iri; iminka kuma jiro bishii ramadaan waxa ay tiri "qofkii sune la yimaada khayr ayey u tahay illaahayna waa mid mahadiyey oo cilmi badan" Waxa aan ku iri; waa ay noo banaantahay inaanu soomin marka aynu safar ku jirno waxa ay tiri "in aad soontaan ayaa idin kheyr badan hadii u yiraahdana Raqiib iyo Catiid ayaa qoraya" waxan ku iri; ayaad tahay waxa ay tiri "ha faragalin wax aanad aqoon u lahayn maqalka iyo araga iyo qalbiga dhamaan waa wax lagu weydiindoono" waxa ku iri; ma kugu qaada hasheydaan waxa ay tiri "wixii kheyr ah ee qabataan illaahaybaa idin Og" waxaan  soo qabtay hashi waxa ay tiri "ku dheh kuwa mumininta ah indhihiina hoos u roga" indhahaygi ayaan hoos u rogay waxaan ku iri; fuul markii ay doontay inay hashii korto ayey hashi dhaqaaqday waxayna in yar ka dhacday maradii waxaay tiri "wixii masiiba ah ee idin ku dhaca waa waxaa aad gacmihiina aad ku kasbateen"

Waxa aan ku iri; yara sug aan hasha aan xiree waxayna tiri "waan fahamsiinay Saleebaan" waan xiray hashi dabadeedna waxaa ku iri; fuul waxa ay tiri "illaahay ayaa xumaan ka nasahan kii noo sakhiray kan" waxa aan qabtay hogaankii hasha aniga oo aad u talaabsanaya oo dhawaaqaya waxay tiri "si degan u soco oo hadalkaagana hoos u dhig" dabadeedna waxa aan u socday si degan anigo ereyo gabay ah ku geeraaraya waxa ay tiri "akhriya wixii quraanka idin fududaaday" waxa aan ku iri; waxaa lagu siiyey khayr fara badan waxa ay tiri  "waxba kuma qaataan dadka caqliga leh mooyaane" markii aanu in yar soconay ayaan ku iri ; miyaanad nin lahayn waxa ay tiri "Kuwa muumininta ahaw ha is weydiinina waxyaalo haddi la bilaabo idin xumeynaya" waan aamusay lamana hadlin illa aanu soo gaarnay Awrti kale waxaan ku iri; qoladaan awrta wadata cidi ma kaala socotaa waxayna tiri "Maalka iyo inamadu waa Quruxda nolosha aduunyada".

Waxa aan ogaaday in ay inamo leedahay waxaan ku iri; bal inamada xaga xajka ka waran waxa ay tiri " calaamado iyo xidigaha ayey ku soconayan" waxaan ogaaday in ay ku jiraan safarkaan meesha degay waxan ku iri; yaa kaala socda? waxa ay tiri "illaahay ibraahim khaliil ayuu ka dhigtay, ilaahayna muuse waa u la hadlay... yaxyow kitaabkaan ku qaado Quwad" waan dhawaaqay waxana aan iri; ibraahimow, Muusow ,Yaxyow waxaa igu soo baxay niman dhalinyaro ah oo aad moodo dayax soo baxay markii ay la soo fariisteen ayey tiri : mid kiina ha qaado lacgtaan illa magaalada oo ha inoo soo eego cunto fiican... mid ayaa tagay oo soo iibiyey cunto dabadeedna soo hordhigay waxayna tiri "cuna oo caba waa la idin haneeye wixii aad hormarsateen ayaamihi tagay" waxaan ku iri; cuntadiina xaaraan ayey iga tahay illa arinkeeda aad iiga warantaan waxay yiraahdeen inamadeedi Tani waa hooyadayada mudo 40 sanadood ahna waxa aan quraan ahayn kumay hadal iyadoo ka cabsaneysa in ay ilowdo quraanka oo illaahay u caroodo.