Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Madxweyne Museveni Oo Uga Digay Nabadsugidiisa Shabaabka Somaalida Ee Huluulanaya Caasimada Kambala

Tuesday - November 3, 2009

Kambala- Wararka ka imaanaya magaalada Kambala ee caasimada wadanka Ugandha ayaa sheegaya in Madaxweyne Yuweri Museveni uu si toos ah oo qarsoodi ah u amrey taliyeyaasha iyo laamaha amaanka dalkaasi inay sugayaan oo ay galaan feejignaan sare oo ku aadan hanjabadaasii dhawaan ka soo yeertey dhaqdhaqaaqa Al Shabaab ee ku aadaneyd inay weeraro qaraxyo ah ka geysan doonaan wadamada Ugandha iyo Burundi.

Jariidada The Observer ee ka soo baxda magaalada Kambala ayaa shaacisey in inkastoo Madaxweyne Musaveni uu yasay oo uu si adag uga jawaabay hanjabadaasii kooxda Al-Shabaab hadana waxay sheegtey jadiiradu in warar ay ku heshay si hoose ay tibaaxayaan in madaxweynuhu uu ku amray taliska ciidamada inay galaan feejignaan dheer isla markaana ilaalo xoogan ka galaan dhamaan qalab kasta oo ciidan oo loo adeegsan karo weeraro.

Yuweri Museveni ayaa waxay sheegtey jariidadu in uu si toos ah u amray Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Gen. Aronda Nyakairima, Taliyaha ciidanka sirdoonka Booliiska Gen. Kale Kayihura, iyo taliyaha ciidamada sirdoonka militariga Brig. James Mugira, inaanay dhayalsan oo aysan iska indho tiring hanjabaada ka soo yeertey kooxda Al-Shabaab.

War qoraal ah oo si qarsoodi ah uga soo baxay xafiiska madaxtooyada madaxweyne Museveni oo ay nuqul ka mid ah heshay jariirada Observer ayaa wuxuu muujiyey in 26-kii bishii hore ee October madaxweynuhu uu ku amray sadexdaasi sarkaal inay si buuxda ugu sameeyaan baaritaano xoogan wasaaradaha, xarumaha farsamada qalabka ciidamada, saldhigyada iyo xarumaha laamaha amaanka wadankaasi.

Wareegtada madaxweynaha Ugandha ayaa waxaa lagu amray taliyeyaasha inay xoojiyaan xuduudaha isla markaana magaalada Kambala lagu daadiyo ciidamo fara badan iyo kuwa ka socda guutada 9-aad oo roondo ka sameeya wadooyinka si ay amaanka u xaqiijiyaan.

Ilo wareedka u waramay wargeyska Observer waxay sheegeen in madaxweynuhu uu si toos ah ugu amray Booliiska inaysan hurdada ka kicin oo aysan soo baraarugin marka ay ciyaartu dhamaato isagoo u soo qaatey dhacdadii bishee September ka dhacdey saldhiga Booliiska ee Nateete oo ay dab qabadsiiyeen dad caraysan oo ku qamaamay saldhigaasi Booliis.

Maalinimadii Jimcaha ciidamada amaanka oo waday hawlgal roondo ayaa waxay jidka ka qaadeen saacada darbiyada la suro meel tiil oo la mooday in ay ku jiraan waxyaabaha qarxa, laakiin Richard Musisi oo ah ku xigeenka taliyaha Booliiska ayaa ku nuuxnuuxsadey in ay saacadaasi oo laga helay agagaaraha dhismayaasha Bahatia Towers oo ku dhaw halka lagu magacaabo Fido Dido ay u muuqatey in qof soo xadey oo uu meesha uga tagay.