Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Qoys Hooyo Xun Iyo Qaran Hogaamiye Xun Midna Hanaqaad Ma Noqdo..M/Weyne Mubaark Oo Toosh Ku ifiyey..

Monday - November 2, 2009

Cairo : Gamal Mubarak, wiilka uu dhalay madaxweynaha dalka Masar, ayaa loo malaynayaa in aanu raaci doonin tubtii uu qaaday aabihiis, haddii uu ku guulaysto xilka madaxweynenimo ee dalakaas.

Madaxweyne Mubarak ayaa ka warwareegay in uu carabaabo ninka u sharraxan jagada madaxweynenimo ee dalkaas, mar uu la hadlayey xubnaha xisbigiisa ee National Democratic Party (NDP), maalinimadii axadda, wuxuu madaxweynuhu ku adkaystay in weli waqti ku fulan ay haystaan oo ay ku magacaabi karaan ninka ay jagadaas u sharixi doonaan,

Hase ahaatee, madaxweyne Mubarak ayaa soo dhoweeyey kaalinta hoggaamineed ee dhallinyarada xisbigiisu ay ku tallaabsadeen, taas oo guul weyn u soo hoyisay hannaanka hawl fulinta xisbiga. hadalkaaso loo qaatay inu toosh weyn ku ifiyey rabtankiisa dhaxlnimada xukunka inu la wareego wiilkiisa jamaal Mubaarak,waxaase ummada reer masar arintaa ay ku tilmaameen in dawladnimada  aysan ahayn shirkad Aabe iska leeyahay oo wiilkiisa dhaxlayo.

Xusni Mubarak oo 81 jir ah wuxuu dalka Masar soo xukumayey 28 sano welina ma kala cadda in uu doorashada soo socota isu taagi doono iyo in uu gacan siindoono sidii wiilkiisu xilka kula wareegi lahaa.

Wiilkiisa oo horay u ahaa xubnaha bangiyada wax ku leh, ayaa iminka wuxuu hoggaamiyaa guddiga siyaasadda ee xisbiga NDP, wuxuuna u muuqdaa nin madaxweyne noqon doonaa, inkastoo aanay arrintaas isaga weli ka soo bixin.

Laba wasiir oo uu ku jiro wasiirka koowaad Axmed Nazif ayaa dhowaan carabka ku dhuftay in Gamal Mubarak uu ku habboon yahay in uu isu taago musharaxa madaxtinimada ee dalkaas ka dhici doonta 2011.

Kooxaha mucaaradka ee dalkaas ayaa si weyn uga soo horjeestey isku daygaan, waxayna dadaal ugu jiraan sidii loo hor joogsan lahaa damaca wiilka madaxweynaha.