Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Bosaaso

Monday - November 2, 2009

Bosaaso: Kadib markii labada Nin wax afduubay Been Loo sheegay Rakaabkii Dayaarada iyo Shaqaalihi Dayaarada ayaa ku guuleystay iney dayaarada dib ugu soo celiyaan madaarka Bosaaso,Ciidamada Booliska Puntland gaar ahaan Magaalada Bosaaso ayaa gacanta ku dhigay Wariye ka tirsan Suxufiyiinta ka hawlgala Magaalada Bosaaso.

Ciidanka Amniga ayaa Xariga Wariyan oo la yidhaahdo Cabdiqani Xasan Dhagjar ku sababeeyey inuu ku lug lahaa Qorshe Fashilmay oo la doonayey in lagu Afduubo Diyaarada Daallo .

Ciidanku waxay sheegayn in Baaritaan ka dib ay ka warbixin Doonaan Xariga Wariyahan oo Noqonaya Qofkii ugu horeyey ee loo xiro Isku dayga Afduubka Diyaarada marka laga yimaado labadii nin ee isku dayey.

Xoogaga Amaanku waxay intaa ku daray in Qorshuhu ahaa in la afduubo Labo Wariye oo u dhashay Dalka Jarmalka kuwaas oo muddo ku sugnaa Puntland iyadoo Wariyaha la xiray uu la shaqeenayey Wariyayaasha Jarmalka ah mudadi ay joogeen cariga Puntland