Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Magac Raaga Oon Duugmin Rabi-Baa Baxsha ... Dhiirane Mr. Erdogan Oo Keenay Rajo Laysku Maaweesho

Tuesday - October 27, 2009

Tehran: Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkey Mr.Tayyib Erdogen oo booqasho ku tagay dalka aya jaarka yihiin ee Jamhuuriyada Islaamiga Iran, booqashadan ayaa ah mid uu ku xoojinayo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal.

Xukuumada Turkey ayaa dhawaanaha sare u qaaday xiriirka ay la leedahay dawladaha bariga dhexe, halka ay hoos u dhigtay xiriirkii ay la lahayd dawladaha midowga Yurub.

Mr. Erdogan oo ay waraysi la yeelatay jariirdada The Guardian mar ay wax ka weydiisay bal in uu kala hadli doono madaxweyne Mahmoud Ahmadinejad doorashooyinkii rabshaduhu hareereyeen ee ka dhacay dalka Iran iyo muranka dhanka nukliyeerka, waxaa uu hogaamiyaha Turkey ku tilmaamay dalka Iran wadan ay saaxiib yihiin isla markaasina baqdinta laga qabo dhanka nukliyerka wadanka Iran ay yihiin dacaayado raqiis ah. Mr. Erdogan waxaa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo murankii doorashooyinka dalka Iran ee rabshadu hareeryeen isaga oo arintaasi ku tilmaamay in ay tahay mid maxali ah.

Xubin ka tirsan barlamaanka dalka Netherland laguna magacaabo Sophie kana tirsan xisbiga liberal D66 party oo ka mid ahayd wafti ka socda Midawga Yurub oo hada booqasho ku jooga magaalada Ankara, mar ay ka hadlaysay hadalada ka soo yeeray hogaamiyaha Turkey waxay tiri: " hadalada ka soo yeeray hogaamiyaha Turkey waa kuwo welwel leh". Waxaanay intaas ku dartay " Turkey waxay dalbatay in ay xubin ka noqoto Midowga Yurub balse hadii arintaasi aynu dhaqaajin weyno waxaa u banaan in ay qaadaan wadooyin kale".

Taariikhyahan u dhashay dalka Netherland laguna magacaabo Alexander de Groot ayaa yiri: "Mr. Erdogen waxa uu inoo sheegayaa in hadii aynu saaxiib ka dhiganweyno in uu Iran ka dhigan karo saaxiib dhow" waxaanu intaas ku daray " dhamaan siyaasiinta Turkey way ogyihiin in reer galbeedku uga wanaagsanyahay reer bariga balse waxay dareensanyihiin sida ay reer Yurub uga cago jiidayaan in ay Turkey xubin buuxda ka noqoto Midowga Yurub".