Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Geesi Ma Cataabe Micyo Adeegay Ismacil Caraale Oo Lagu Soo Arkay Xabsiga Guantanamo-Bay

Sunday - October 25, 2009

Gabadha Cori waa gabadh looyarad ah oo qareen u ah la haystayaasha ku jira xabsiga Guantanamo- Bay ee dalka Kuubba ... Dhammaadkii bishii ina dhaaftay ayay waxa ay booqatay xabsigaas si ay ula kulanto maxaabiista kor u dhaaftay 500 ee muslimiinta ah ee Maraykanku u haysto in ay maleegayeen falal argagixiso oo ka dhan ah Maraykanka ... Maxaabiistaas ay gabadhaas Cori la kulantay waxa ka mid ah Ismaaciil Caraale oo bishii lixaad ee 2007 ciidamada Maraykanku ka qafaasheen madaarka Jabuuti. Haddaba waa kuma Ismaaciil? Inta aynaan u gelin taariikhdiisa marka hore Cori ha inoo sheegto shakhsiyadda ay ku soo aragtay Guantanamo Bay.

Xabsiga Guantanamo-Bay waa meel aan niyadda u fiicnayn, wuxu ku yaallaa wareegga dambe ee jasiiradda Kuubba, waxay kugu qaadanaysaa saacado badan in aad badda la soo wareegto marka aad ka duusho Florida, markaa kaddib haddana waxad sii raacaysaa laash ku geeya xabsiga, waxa ku jira dad nooc kasta leh jinsiyad kastana ka kooban laakiin waa wada muslim. Cadaadis, ciqaab iyo caga juglayn ayaa ka jira, dadka xabsiga ku jiraa war kama hayaan waxa ka dhacaya adduunka kale, xataa in Obama madaxweyne noqday waxay ka ogaadeen askartii isu sheegaysay, ehelkoodiina hadalkiisa daa. Nolosha sidaas ah ayuu Ismaaciil dhexda ugu jiraa. Maxaabiista kale oo dhan waxay igala hadlayeen naftooda, waxay ka cabanayeen nolosha xabsiga, waxay dhaliilayeen hab dhaqanka askarta, laakiin waxa naftayda xusuus ku reebay in markii aan Ismaaciil weydiiyey xaalkiisa in uu ii sheegay in uu fiican yahay marka loo eego dhibta ay dadkiisii qabaan ee dhinac walba leh, iyo halista uu ku jiro dalkiisii. Waan u qaadan waayey ayay tirii hadalkaas illaa uu si faahfaahsan iigu sheegay nolosha uu dadkiisa iyo dalkiisa la jeclaa iyo sida maanta xaalkoodu yahay.... Waxa aan weydiiyey ayay tiri Ismaaciil nolosha uu dalkiisa la jeclaan lahaa, wuxu ii sheegay ayay tiri in uu doonayey in uu arko dadkiisa oo ku nool nolol deggan, dalkiisa oo midaysan, dadkiisa oo is jecel madaxdoodana iyagu doorta ee aan dibadda looga keenin.

Gabadha Cori ayaa waxaa kale oo ay tiri waa wax lala yaabo nin silsiladaysan oo ka fekeraya dad ku nool meel u jirta tobanaan kun oo kiilomitir. Waxa ka muuqday xasilooni, wuu ilka caddaynayey Englishka uu ka hadlayana waxad moodeysay in uu muddo dheer Maraykan joogey, waan ka xiise goyn waayey illaa aan gelinkii dambena u soo laabtay si aan in badan oo kale u dhegeysto Ismaaciil, markan dambe wuxu iiga sheekaynayey xabsiga iyo geerida in midkoodna aanu ahayn wax laga argagaxo, iyada oo la xiray ama la dilay dad badan oo taariikhda adduunka kaga jira baal dahab ah sida Martin Luther King, Kwame Nakruma, Nelson Mandella iyo kwa la mida laakiin arrinta walwalka  iyo naxdinta leh waxa weeye ayuu yirii marka aad aragto dadkaaga iyo dalkaaga oo halis u ah in la waayo.

Gabadha Cori waxa ay hadalkeeda ku soo gebegebaysay runtii marka aan si daacad ah u hadlo anigu ma soo arag nin argagixiso ah ee waxan Guantanamo Bay ku soo arkay Nelson Mandellihii Soomaaliya.

Haddaba maaddaama aynu aragnay faaladii Cori, suaasha isweydiinta lihi waxay tahay waa kuma Ismaaciil? Ismaaciil Maxamuud Caraale wuxu bishii August 1970kii ku dhashay cusbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, wuxu dugsiga hoose kaga baxay dugsigii H/Dhexe ee Hodan, dugsiga sarena wuxu ka baxay dugsigii sare ee Kaasa Bobolaare sanadkii 1989kii.

Markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay 1991kii Ismaaciil waxa uu u soo qaxay magaalada Burco. Intii muddadaa ka dambaysayna Ismaaciil wuxu ka mid ahaa hormuudkii ummadda, wuxu ahaa dhalinyaradii wax ka hirgelisay mid ka mid ah jariiradihii ugu horreysay ee ka soo baxa magaalada Hargeisa ee Codka Hargeisa isaga oo mar masuul ka noqday jariidadda, waxa kale oo uu ka mid ahaa dhalinyaradii ugu horreysay ee aasaasta dugsiyada gaarka loo leeyahay ee loo yaqaan private schoolka ee luqadda lagu barto waxaanu lahaa dugsigii ugu horreeyey ee Hargeisa laga furo ee loo yiqiin Puntland Institute of Languages, sidoo kale wuxu si weyn uga soo qayb qaatay hawlihii nabadda iyo wacyigelinta dhalinyarada.

Sida Aan Ka xansanay rag yaqaan Ismaaciil waxay sheegeen iney ku barteen dagaal nacayb iyo nabad jacay ... Ismaaciil waxa kale oo lagu yiqiin indheer garadnimo.

Sida la xusay wixii ka dambeeyey sanadkii 1999kii Ismaaciil waxa uu waxbarasho u aaday dalka Pakistan oo muddo 7 sano ah uu jaamacad kaga jirey isaga oo deganaa magaalada Islamapad. Wixii ka dambeeyey 2006 Ismaaciil Caraale waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii sare ee Maxkamadaha Islaamiga ah isaga oo ahaa masuulkii u xilsaarnaa maamullo u samaynta gobolada, meelihii uu maamulka u sameeyeyna waxa ka mid ahaa Gobolada Jubbooyinka, markii maxkamadihii la kala eryeyna Ismaaciil wuxu ka mid noqday dadkii sida weyn uga hor yimi ciidamada Ethiopia ee duullaanka ku soo qaaday Soomaaliya.

Waxa kale oo xusid mudan in Ismaaciil dhowr maalmood ka hor intii aanay ciidamada Maraykanku ka afduubin madaarka Jabuuti, waqtigaas oo uu qorshaynayey in uu macallin ka noqdo Jaamacadda Burco, kuna soo kordhiyo kulliyad cusub oo lagu barto maamulka iyo maaraynta iyo weliba qayb cilmi baaris ah.

Maraykanku waxa ay ku eedeeyeen in uu ka mid ahaa hoggaankii sare ee Maxkamadaha Islaamida ah (UIC), taasoo la filayo in qofkastaaba garan karo in aanay dembi ahayn maaddaama guddoomiyahoodii Shiikh Shariifba maanta uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Maraykankuna yihiin dowladdii ugu horreysay ee u soo hambalyaysay.